Shirkadda HASS PETROLEUM oo soo bandhigtay Agabka Daryeelka iyo Dawaynta Gaadiidka & Wershadaha

Hargaysa(Aftahannews):- Shirkadda Hass Pertoleum, ayaa soo bandhigtay Saliidaha kala duwan ee qaybaha Gaadiidka iyo Ijiinnada Wershadaha loo isticmaalo oo casri ah iyo sidoo kale Xabagta Gawaadhida (Lubricants) iyo Saliidaha guud ahaan Baabuurta lagu daryeelo.

31(16).JPG

Munaasibad si qurux badan loo soo agaasimay oo Sabtidii maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayay Shirkadda Ganacsiga Shidaalka ee HASS PETROLEUM ku daah-furtay adeegyada cusub ee Saliidda Gawaadhida, Wershadaha iyo daryeelka Mishiinnada kala duwan. Waxaana Munaasibaddaas ka qaybgalay Guddoomiyaha Xafiiska Somaliland ee Shirkadda Hass Petroleum Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, Madaxa HR-Ka Idil Ibraahin Aadan Doolaal, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasin, Wasiir Ku-Xigeenmka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Cabdi Saa’iq, Madaxa Rugta Gabnacsiga Somaliland Maxamed Shukri Xuluul, Mr. James oo Ka Socday Xafiiska Hass Petroleum ee dalka Kenya, Masuuliyiin ka socday Kaalmaha Shidaalka iibiya, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale.

Noocyadan Saliidaha ee ay Shirkadda Hass Petroleum ku soo bandhigtay Xafladdaas, ayaa qayb ka ah ballaadhinta Ganacsiga Shirkaddaas oo hore dalka u keeni jirtay noocyada kala duwan ee Shidaalka, iyadoo Shirkaddu dalalka Geeska iyo Galbeedka Afrikaba Ganacsigeedu si xawli ah uga shaqeeyo sida lagu sheegay Buug loogu talo-galay masuuliyiinta iyo marti-sharafta Munaasibadda ka qaybgalay.

Guddoomiyaha Shirkadda Hass Petroleum Xafiiskeeda Somaliland Cabdirisaaq  Ibraahin  Aadan oo Munaasibaddaas ka hadlay, waxa uu faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay Shirkaddu soo bandhigtay maanta iyo muhiimadda ay qaybaha bulshada u leeyihiin, waxaanu Sheegay inay Munaasibaddan u qabteen sidii la isu bari lahaa wax-soo-saarka (wax-keenista) Shirkadda Hass ee Saliidaha iyo Xabagta kala duwan ee Gaadiidka iyo Wershadaha loo isticmaalayo oo casri ah, daryeel ahaanna xoojinaysa tayada Birta iyo baraha kale ee loo isticmaalo. “Waxaa Maanta fardxad noo ah inaannu idinku soo casuunno daah-furka wax soo-saarka Shirkadda Hass Petroleum.” Sidaa ayuu yidhi Cabdirisaaq.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Hass Petroleum Cabdirisaaq Ibraahin Aadan sheegay in Shirkadda Ganacsigeeda laga tijaabiyey Waddamo badan taasina ay guul weyn u tahay Shirkadda Hass Petroleum iyo Wax-Soo-Saarkeeda, waxaanu xusay inay Shirkaddu si fiican u bixiso Cashuurta dawladda eek u waajibtay, waxaanu yidhi; “Annagu ka shirkad ahaan marka laga yimaaddo agabka tayada leh ee aannu dalka keennay ee maanta la daah-furayo, waxaannu si fiican u bixinnaa Cashuurta dawladda ee nagu waajibta.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay inay Hass Keentay Agabkii Gawaadhida loo isticmaalayey, isla markaana ay tahay shirkad caalami ah oo tayada shidaalka iyo Saliidaha iyo agabka kala duwan ee ay dalka keento aad loogu kalsoon yahay, sidoo kalena ay si hufan oo lexejeclo ku jirto uga shaqayso guud ahaan dalka Somaliland. Waxaanu sheegay inay dadweynaha reer Somaliland waajib ku tahay in Shirkadaha kale ee ay isku shaqada yihiin uga eexdaan Shirkadda Hass Petroleum.

“Waxaa waajib innagu ah inaynu shirkadaha kale uga eexanno oo aynu iyada wax-soo-saarkeeda isticmaalno.  Shirkadda Hass waxay ka qayb-qaadataa arrimaha kale ee Bulshada wax-tarka u leh sida Sadaqadda oo ay siiso dadka Masaakiinta ah ee u baahan innaguna waa inaynu arrintaa Shiradda ku taageerno guushaa weyn ee ay gaadhay Hass Petroleum.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi-Geel-jire, waxaanu sheegay inay Hass tahay shirkadda ugu horreysa uguna mudan dhinaca Shirkadaha Shidaalka keena Somaliland oo tiro ahaan badan, balse tayo ahaan ay Hass ugu wacan tahay.

Xasan Miisaan oo ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Shirkadda Shidaalka iyo Saliidaha ee Hass Petroleum, waxaanu Munaasibadda ka jeediyey Khudbad Luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliba uu ku jeediyey, isla markaana uu kaga warramay heerarka kala duwan ee ay Shirkaddani soo martay, sidii lagu bilaabay iyo heerka ay maanta taagan tahay iyo sidoo kale wax-soo-saarka Shirkadda Hass.

James Wakiro oo ah Injineer 13  Sano Ka Soo Shaqaynayey Shirkadda Hass Xafiiskeeda waddamada Kenya,Tanzaniya, Uganda iyo dalal kale, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Hass waxay ka a Shaqaysaa arrimaha Shidaalka iiyo Saliidda Gawaadhida lagu Isticmaalo, waana Saliid tayadeeda la hubiyo oo Heer Caalami ah.”

James waxa uu sheegay inay Xafladdani tahay mid lagu soo bandhigayo Adeegga Xafiiska Shirkadda Hass ee lagu soo Kordhiyey Shidaalkii ay horey u keeni jirtay Somaliland, waxaanu yidhi; “Hass Agabkan Ay Hadda Keentay Waa Kii Ugu Dambeeyey Ee Ay Soo Saartay” Ayuu Yidhi Mr James Waxaanu Halkaa Ku Soo Bandhigay Film Kooban Oo Ka Sheekaynayey Shirkadda Hass Petroleum Iyo Wax Soo Saarkeeda Kaladuwan Kaasoo Laga Daawaday Macluumaad Farabadan Oo La Xidhiidha Tayada Shidaalka Iyo Saliidaha Casriga Ah Ee Kaladuwan Ee Ay Leedahay Hass.

Guddoomiyah Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Xuluul oo Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey waxyaabaha ay soo kordhisay Shirkadda Hass oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay. Waxa uu xusay isagoo ku hadlayay Afka Rugta Ganacsiga Saladiidaha tayada leh ee Hass Petroleum dalka Keentay inay wax badan ka beddeli doona Cilladaha ku dhici jiray Gaadiidka lagu Shubo Saliidaha iyo Shidaalka aan wanaagsanayn ee dalka la soo geliyo. “Goob waliba hadal ku habboon bay leedahay, halka waxa inoo yaalla Buuggan quruxda badann ee ka sheekaynaya wax-soos-saarka kala duwan ee Shirkadda Hass Petroleum.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiya Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri.

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Cali Cabdi Saa’iq, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, isla markaana waxa uu Sheegay inay Saliidaha Shirkaddan Hass dalka keentay Nafaqo iyo Dux u tahay Gawaadhida iyo Ijiinnada Wershadaha oo uu xusay in nooceedan aad ay ugu baahnaayeen. Waxaanu sheegay in sida Aadamuhu aanu nafaqaynta iyo daryeelka naftooda uga maarmin inaanay Birta iyo Gaadiidkuna nafaqayn uga maarmin, waxaanu si kooban u yidhi; “Maalin Waliba Hadalkeeda Ayey Leedahaye Maanta Waa Maalintii Nafaqaynta Gaadiidka.”

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasin Yuusuf, ayaa gebogabadii Munaasibaddaas soo xidhay, hadal koobanna ka jeediyey, waxaanu soo dhaweeyey waxyaabaha ay soo kordhisay Shirkadda Hass Petroleum, isla markaaa waxa uu shirkadda ku ammaanay sida uu sheegay qiimo-dhimis dhinaca sicirka Shidaalka ah oo ay samaysay, isagoo Kaalmaha Shidaalka iibiya u soo jeediyey inay bulshada ka jebiyaan sicirka ay shidaalka kaga iibiyaan, haddii kale ay kala xisaabtami doonaan. “Ka Xukuumad ahaan waxaannu soo dhawaynaynaa qiimo dhimista ay Shirkadda Hass ku samaysay Shidaalkii ay innoo keenaysay.” ayuu yidhi Wasiir Qaasim.

“Anigu Waxaan ahay Dhakhtar yaqaanna Cudurrada  dadka, markaa dadka reer Miyiga ahi waxay yidhaahdaan kii qoorta casaa ii soo iibi Kiniinka (Tetracacilin Cabpsol). Markaa, waxaan flayaa inay dadku odhan doonaan tii ay Hass ku qornayd (Saliidda Baabuurta) ii soo iibi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.