Australia oo Shaaca ka qaadday in dalkeeda laga Maal-geliyo Al-Shabaab

Hay’ad Ammaanka u qaabbilsan Australia oo shaacisay lacag ka badan Lix Boqol oo Milyan Oo Doollar oo Argagixisadu ka heshay dalkeeda

Sydney(Aftahannews):- Dawladda Australia, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in dalkeeda laga maalgeliyo Argagixisada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Kooxda Al-Shabaab eek a dagaallanta Koonfurta waddanka Soomaaliya, Al-Qaacidada Pakistan iyo kuwo kale.

al-shabaab_somalia1

alqacida

Australian-Flag-1v3jic6

Hay’ad dhanka amaanka ah u qaabbilsan dawladda dalka Australia, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in dad Soomaali ah oo dalkaasi ku nool inay dhaqaale badan oo ay ku taageeraan Xarakada Al-Shabab ay sannad walba  u diraan hoggaanka kooxda Al-Shabaab.

Hay’addani waxay warkeeda ku sheegtay in sannad walba laga diro lacag cadadkeedu dhanyahay 600 oo Million oo Doollar, taasoo ay sheegtay inay gacanta u gasho Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka jirta, Al-Qacidada ka dagaallanta waddanka Pakistan iyo kooxaha kale ee dagaalka kula jira dawladda waddanka Suuriy.

Madaxa Hay’adda warbixintan soo saartay oo lagu magacaabo Bret Walker, ayaa u sheegay EU News in xogta ay hayaan ay muujinayso in dad Soomaaliyeed oo Australia ku nooli ay lacag fara badan ku taageeraan Al-Shabaab si ay dagaallada u sii wadaan.

Walker waxaa uu hadalkiisa ku sheegay baadhis ay sameeyeen inay ku ogaadeen in Soomaalida Australia ku dhaqani Al-Shabaab u soo diraan lacag dhan 17 Million oo Doollarka Maraykanka ah oo si toos ah gacanta ugu gasha hoggaanka Malleeshiyada Al-Sbabaab.

Hay’addani  waxaa  kale oo ay  tilmaantay in lacagaha laga diray Australia ee gaadhay dalka Pakistan dhan tahay ama lagu qiyaasay 490 Million oo Doollar, halka Kooxaha Mucaaridka ku ah dawladda Suuriye ee dalkaas dagaalka ka wadana la gaadhsiiyay 54 Million oo Doollar.

Waxay Hay’addaasi warbixinteeda ku sheegtay in Lacagta Argagixisada Soomaaliya loo soo diray badankeeda loo adeegsaday hubeynta dhalinyarada Al-Shabaab ku biirta iyo qaraxyada ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya ee ay fuliso Kooxda Xag-jirka ah ee Al-Shabaab.

Bret Walker oo Madax ka ah Hay’adda Warbixintan diyaarisay muu  shaacin magaca hay’adda ama shaqsiyaad Soomaaliyeed oo arrintan ku lug leh, hase ahaatee, waxa uu xusay inay hayaan xogta ah in lacagtan ay direen dad Soomaaliyeed oo taageera Kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, Saraakiil u hadlay Booliska Australia ee AFP loo yaqaan, ayaa sheegay inay xog badan ka hayaan lacagaha dalkaasi looga diro Al-Qaacida iyo xulafadooda geeska Africa ku sugan.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.