Daawo Flim Xogo badan Xambaarsan oo muujinaya Duullaanka Israa’iil & Difaaca Iran

Hargeysa(Aftahannews):- Farsamada iyo qorshaynta colaaduhu waa arrin ahmiyad weyn u leh dawladaha, waana arrin la xidhiidha geerida iyo nolosha  colaadaas oo kugu hagi karata goob ammaan ah iyo ama dhul kharaab ah oo burburay, waana mawduuc istaahila in lagu sameeyo baadhitaanno iyo dabo-gal, mana aha mid la yaraysan karo ama indhaha laga lalin karo.

Duullaanka Israa’iil iyo Difaaca Iran, Cawaankani waxa uu ka turjumayaa Flim Dukumenteri ah oo Xambaarsan xaqiiqooyin iyo xogo muhiim ah oo laga diyaariyey Cadaawadda Yuhuudda Israa’iil iyo dawladda Maraykanku ay u hayaan Muslimiinta, gaar ahaan Muslimiinta Falastiiniyiinta iyo Iran oo ay dagaallo qadhaadh la galeen Yuhuuddu.

Haddaba, flimkan oo aad u cajiib ah waxa diyaariyey Suxufiga Xuseen-Kurdi, waxaanu soo bandhigayaan xaqiiqooyin qofkasta oo Islaam ahi u baahan yahay inuu si dhaw wax uga ogaado. Markaa, aan idiin kala baxno Idinka iyo Flimkan iyo Xogta uu sido oo mudan in aad ka bogataan, ee Daawasho Wacan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.