Ma Maanta ayuu Dareemay Dayaca Daartuu Ku Dhashay? Faallo: Cabdifataax I. Mursal

Burco(Aftahannews):- Darxumo, Dunsanaan, Dayac iyo Diif badan, ayaa ka muuqata Guriga 18-kii May sannadkii 1991-kii lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, Aqalkaas oo ku yaalla magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii Jabhaddii SNM ku guulaysatay inay gobolladii Waqooyiga Soomaaliy (Somaliland) ka saarto Ciidammada Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya oo Ururkaasi muddo sannado ah dagaal hubaysan kula jiray.

Markaas oo ay Somaliland sheegtay inay ka go’day, isla markaana madaax-bannaanideedii ay Soomaaliya kula midawday 1-dii Julay 1960-kii shan cisho ka dib markii ay Calanka ka qaadatay Maxmiyaddii Ingiriiska 26 June 1960-kii, ayaa markii lagu dhawaaqayey Somaliland 18 May 1991-kii waxa lagu Shiray oo Beelaha Somaliland kuwo dagaal ku jiray iyo qaar aan ku jiriniba isugu yimaaddeen Gurigan ku yaalla magaalada Burco oo lagu go’aamiyey gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Hase-yeeshee, Gurigaas oo wakhtigaas ahaa Guri Dhisme wacan leh oo laga xushay Aqalladii dhiggiisa ahaa ee ku yaallay Burco bilic ahaan iyo baaxad ahaanba, waxa uu maanta oo ay Somaliland 23-jir madaxa kala sii baxayso noqday mid Riiqmay oo ay ka muuqdaan dunsanaan, burbur iyo balan-bal soo food-saaray, isla markaana maaha guri laga dheehan karo madal Qaran lagaga dhawaaqay ee wuxu u eeg-yahay Guri-cas Miciin milicsada waayey oo meesha uu ka baxay manaafacaadkii uu lahaa iyo magaca uu Qarankan ka mudnaa Milgo ahaan.

Gurigan waxaa Booqday Arbacadii maanta Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaga iyo Xubno Xisbigiisa ka tirsani indho-indheeyeen iyagoo u muuqda kuwo ka damqanaya dayaca iyo darxumada ka muuqata Guriga nasiibka u yeeshay in Somaliland lagaga dhawaaqo 1991-kii oo meesha ka sii baxaya, isla markaana heemaalka guud uun gidaarro ahaan u taagan.

“Waxaanu taaganahay meeshii lagu aas aasay laguna goostay Somaliland 18-May 1991-kii, Illaahay ayaa maanta igu simay in aan halka imaaddo oo waxaan la socday Xisbigayga WADDANI, waxaan tusaayey meeshani in maalintii Somaliland la goostay ee aan ka heesayey ay ahayd meel aad u qurux badan, meesha lagu soo hirto, maantana waad arkaysaan.” Sidaa waxa tidhi Fannaanadda Sahra Axmed Maxamuud (Sahra-Halgan) oo ka mid ahayd dhalinyaradii SNM, isla markaana sheegtay inay ka heestay maalintii gooni-isu-taagga lagaga dhawaaqayey goobtaas. Waxaanay Cabdiraxmaan-Cirro u soo jeedisay haddii uu talada dalka ku guulaysto doorashada soo socota inuu xasuusnaado oo uu ka dhigo Madxaf Qaran.

Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlaya Gurigaas dayacan ee uu booqday, waxa uu yidhi; “Waxay haddii Allaah yidhaahdo ay halkani innooga baahan tahay inay noqoto goob taariikhi ah oo aynu ilaalinno oo Carruuteenna, Carruurtoodu ay ka dhaxlaan oo ay ogaadaan go’aankii dib ula soo noqoshada halkii lagu gooyey Burco in ay ahayd iyo in ay goobtan ahayd-ba in ay bartaan, in aynu Carruurteenna u sheegno in halkan aynu ilaalinno oo loo sameeyo dayr wayn oo taariikhi ah oo ay noqoto goob taariikhda Somaliland gasha, Jiilasha innaga dambeyaana ay dhaxlaan.”

“Haddii aannu Maamulka Somaliland nimaadno waxaannu jecel-nahay in aannu wax ka qabanno oo taariikhdeeda aynu dib u xusno oo hagaajinno, oo qurxinno oo ay noqoto goob taariikheed oo Madxaf ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaanu Maamulka gobolka Togdheer, ka Degmada Burco iyo Xukuumadda dhexe-ba u soo jeediyey in la ilaaliyo Dhulka Gurigaasi ku fadhiyo si aan loogu takri-falin oo ay Mustaqbalka u noqoto Madxaf Qaran.

Inkasta oo uu Cabdiraxmaan-Cirro tan iyo bishii January 2006-dii ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland oo intaasba uu ka mudnaa booqashadan iyo muujinta baahida Aqalkani qabo, haddana hore ugama kasban inuu ka hadlo amaba sidan uu maanta u booqday oo kale u tago, balse booqashadiisan maanta lafteedu waxay u muuqataa mid aan daacad, dal-jacayl iyo dayac-la-dirirka Gurigaas ku iman ee ku timi rabitaankiisa baahida codka ee uu hadda isii meel-dayanayo, maaddaama oo uu yahay Musharrax u taagan inuu u tartamo doorashada Madaxweyne-nimo ee Somaliland badhtamaha sannadka 2015-ka haddii ALLAAH yidhaahdo.

Sababta oo ah waxa uu Guddoomiye Cirro ballan-qaaday inuu Gurigaas ka dhigi doono Madxaf iyo Madal Taariikheed Mustaqbalka haddii uu ku guulaysto doorashada la filayo badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka oo uu noqdo Madaxweynaha Somaliland, hase-yeeshee, maanta oo uu yahay Guddoomiye Gole Baarlamaan waxa uu haystaa Jaanis lagu dhisi karo oo uu dawladda ugaga dhammayn karo hirgelinta Gurigaas amaba abaabulka Mooshin Golaha lagu horkeeno in Gurigaas laga dhigo Madxaf Qaran iyo Madal Taariikheed oo magac iyo muuqaal ku dhex yeelata Bulshada Somaliland.

Waxaa la odhan karaa; “Cabdiraxmaan-Cirro ma maanta ayuu dareemay Dayaca iyo Darxumada ka muuqata Daarta uu ku dhashay Qaranka uu hoggaamiyeyaashiisa Siyaasadeed ka midka yahay, muddadana ku soo jiray?.” Hase-yeeshee, Aqalkan, ayaa ahaan jiray Guriga Martida magaalada Burco, waxaanu ku yaallaa Xaafadda SHACABKA ee Burco, waxa dhistay Gurigaas oo Guriga Martida gobolka ka dhigtay ama ugu talo-gashay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Generaal Maxamed Siyaad Barre.

Gurigan ayaa sida ay ii sheegeen dad reer Burco ah oo goob-joog ahaa maalinta Shirkii lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland lagu qabanayey 1991-kii, horena u yaqaannay gurigaas illaa immikana Burco joogaa, waxa uu ahaa Gurigaasi Gurigii ugu weynaa ee dawladdu leedahay ee magaalada Burco ku yaallay ee Madaxweynaha iyo Madaxda dawladdii markaas jirtay ee Millateriga ahayd ku soo degi jireen, dadka la sharfayo ee gobolka tagana lagu soo dhawayn jiray.

Sababta loogu xushay in lagu qabto Shirka Beelaha Somaliland iyo Jabhaddii SNM isugu yimaaddeen ee Somaliland lagaga dhawaaqay, ayay dadkii goob-joogga markaas ahaa iigu sheegeen inuu ahaa Guriga ugu ballaadhan Aqal ahaan, Barxad ahaanna ugu toox weyn, isla markaana maaddaama oo dagaal ba’an oo sannado socday dhacay inta badan dhismayaasha magaaladu burbursanaayeen, hase-yeeshee uu Gurigaasi ahaa ka la odhan karayey wuu dhisan yahay.

Inkasta oo ay dadkaasi ii sheegeen in Gurigan Martida gaarka u ahaa laftiisa burbur aad u yar oo koobani gaadhay marka loo eego sida ay magaaladu u dunsanayd. Balse, waxay dadka aan Aqalkan wax ka weydiiyey intaas sii raaciyeen inuu maanta yahay muuqaalka ugu foosha-xun uguna burburka badan ee magaalada Burco, isla markaana ay dad danyar ahi qaybo ka mid ah iska dageen, Xukuumadihii u kala dambeeyey hoggaaminta Somaliland-na aanay midina waxba ka qaban, waxna ku qabsan, kaasoo waxyaabaha uu isii dumay ay ka mid yihiin burburka soo gaadhay wakhtigii dagaallada sokeeye iyo daryeel la’aanta uu la kulmay.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.