Cajiib: Wiil Abtigii Gubay, Arday Masaajid lagu Gawracay, Gabadh Garaad noqotay & Nin Xubno iska Jaray

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Hargeysa(Aftahannews):- Dhacdooyin damqasho, naxdin, anfariir iyo yaab geliyey dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan, ayaa ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee dalka Soomaaliya ee Muqdisho, dhacdooyinkaas oo isugu jiray Wiil Masaajid lagu dhex-gawracay isaga oo Salaad ku jiray markaas oo tukanayey, Wiil Abtigii oo Hurda ku gubay Aashito ama Aysiidha Baytariyada Baabuurta.

Sidoo kale, Wiil isaguna iska jaray Xubinta taranka, Gabadh goob gaara laga helay Meydkeeda, qaabka ay u dhimatay iyo qodobbo kale oo xiiso badan, ayaannu idiinku haynaa Barnaamijkeenna toddobaadka ee Daneeyaha Danta Dadweynaha oo ay soo saarto Idaacadda Radio Hirad oo xarunteedu tahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Hooyada dhashay Wiilka Abtigiis Aashitada ama Aysiidha ku shubay iyo sidoo kale Hooyada dhashay Wiilka Xubinta taranka iska jaray, iyo xubno kale, ayay Radio Hirad ka diyaarisay Warbixin dhammaystiran oo ay kaga warramayaan sida Wiilasha ay dhaleen dhibaatooyinkan u fuliyeen, waxa ku kallifay iyo sida wax u dheceenba.

Haddaba, Barnaamijka toddobaadkan ee Radio Hirad oo Warbixintaas iyo Warbixino kale oo xiiso badan iyo Warar-ba xambaarsan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee AFTAHANNEWS/Radio, si aad uga bogatana guji liidka hoose ee Madoow oo dhegayso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.