Madaxweynaha oo diiday Laba Xubnood oo Guurtidu u magacawday Guddiga doorashooyinka & Saleebaan oo dib ugu celiyey

AXMED-SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu dib u celiyey laba Xubnood oo ay Shir-guddoonka Golaha Guurtidu u soo magacaabeen Guddiga doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo ah labadii Xubnood ee Guurtidu hore ugu magacawday Guddiga Doorashooyinka wakhtigoodu dhammaanayo ee hore, isla markaana soo qabtay laba doorasho, sida ay Caawa Aftahannews u xaqiijiyeen ila-wareedyo xog-ogaal ah oo ka agdhaw Shir-guddoonka Guurtida iyo Madaxweyne Siilaanyo.

SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL1AXMED-SIILAANYO IYO SALEEBAAN-GAAL

Ila-wareedyada Aftahannews xogtan ka helay waxay sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) gelinkii hore ee Arbacada Maanta u gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo Warqadda ay Shir-guddoon Gole ahaan dib ugu magacaabeen labada Xubnood ee Guddiga doorashada ee Sharciyan ay tahay inay Guurtidu laba ka mid ah toddobada xubnood ee Guddiga doorashada magacawdo. Balse, aanu Madaxweynu ka aqbalin ee uu gaashaanka ku dhuftay magacaabistaas oo uu dib ugu celiyey.

Hase-yeeshee, warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiye Saleebaan iyo Madaxweyne Siilaanyo caawa Qasriga Madaxtooyad ku yeesheen kulan foolka-fool ah oo ila-wareedyada Aftahannews warka ka helay sheegeen inay labada Masuul si adag ugaga wadahadleen dib-u-magacaabista labada Xubnood ee Guurtidu tahay inay soo magacaabaan ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo diidmada Madaxweynuhu diiday.

Waxay ila-wareedyadu intaas ku ladheen in Madaxweynuhu aad ugu adkaystay diidmadiisa iyo Guddoomiyaha Guurtiduna ku adkaystay dib u soo magacaabista labadaas Xubnood oo uu ku dooday inay Sharci tahay wax u diidayaana jirin, tahayna in Madaxweynuhu aqbalo, labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin Raabi Cabdi Maxamed iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed (Dixood).

Hase-yeeshee, warkan Aftahannews ila-wareedyada labada dhinac xog-ogaalka u ah ka helay wuxu intaas ku daray in Madaxweynuha ku dooday in Guddiga uu dhawaan kala diray ee doorashooyinka Qaranku ku fashilmeen qabashada doorashadii Golayaasha Deegaanka oo Somaliland ka qabsoontay 29-kii November sannadkii 2012-kii, taasoo Xukuumadda iyo Guddigaba lagu eedeeyey inay wax is-daba-marin sameeyeen.

Sidaa daraaddeedna, Xisbiyada Mucaaradka ah, Guurtida iyo Madaxweynaha laftiisaba ay tahay inaanay isku mashquulin soo celinta toddobada xubnood ee uu bishii hore kala diray, isla markaana loo baahan yahay in dhinac waliba xubnaha Sharcigu siiyey magacaabistooda u soo magacaabaan dhiig cusub ama xubno cusub.

Ila-wareedyadu waxay Aftahannews.com u sheegeen, in kulankaas ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Saleebaan isku waydaarsadeen doodad adag oo saacado qaatay, ayaa ku dhammaaday bal in dib la isula eego arrimahaas iyo go’aanka laga qaadanayo maalmaha foodda innagu soo haya, sida ay tibaaxeen ila-wareedyada kala duwan ee Aftahannews warkan ka helay qaarkood, balse illaa hadda Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida midkoodna kama hadal warkan.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu hore ugu celiyey oo uu diiday min hal xubin oo ay soo kala magacaabeen Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, kuwaasoo xubinta UCID magacaabay oo ah Cabdifataax Ibraahin Xaaji Xasan ka mid yahay toddobada Xubnood ee Guddiga doorashada ee wakhtogoodu dhammaanayo 29-ka bisha soo socota ee October ee sannadkan 2014-ka iyo Xubinta Xisbiga WADDANI magacaabay oo ahaa Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo isaguna dhawaan iska casilay Xoghayaha arrimaha dibedda ee WADDANI oo uu ahaa.

Magacaabista Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee doorashooyinka soo socda hagi doona, ayaa timi markii uu soo dhawaaday dhammaadka muddada shanta sano ah ee ay sharciyan ahayd inay shaqeeyaan Guddiga doorashooyinka ee 29-ka October uu ku dhammaanayo, markaasoo Madaxweyne Siilaanyo Wareegtooyin uu soo saaray u kala diray Xisbiyada WADDANI iyo UCID oo sharciyan min hal xubin soo magacaabaya iyo Guurtida oo laba Xubnood soo magacaabaya, halka saddexda Xubnood ee kale uu Madaxweynuhu magacaabayo.

.

 

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.