13 Jir Reer Hargeysa Ah Oo Ka Badbaaday Afduub Aan La Garan Ujeedadiisa Oo Lagu Geeyay Burco!

Hargeysa(Aftahannews):- Wiil 13-jir ah oo reer Hargeysa ah ayaa todobaadkii hore laga qafaashay Iskuulkii uu dhiganayay, isla markaana waxa la sheegay in lala tagay Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco,halkaasi oo la sheegay inuu markii danbe cagihiisa kaga soo baxsaday.

NEWS

Siday faafisay shebekadda wararka ee Oodweyne news, Khadar Cabdisalaan Axmed Nuur oo ah wiilkan yar ee todobaadkii hore laga qafaashay Hargeysa, ayaa Isaga iyo Aabihiiba xaqiijiyaan afddubkaa loo geystay. Waxay sheegeen in goor duhur ah isaga oo ka soo rawaxay iskuul uu dhiganayay oo ku yaala Xaafada New-Hargeysa, ay u gacan haadiyeen niman saaraa gaadhi NOAH-ah,markii uu ku soo dhawaaday gaadhigiina uu u soo degay mid ka mid ah raggii gaadhiga watay, isla markaana siday sheegeen uu wiilkii ka taabtay gacanta, kadibna uu ku yidhi fuul gaadhigan, sidaana uu wiilku isaga oo baraad la,a, uu ku fuulay gaadhigii, dabadeedna ay u safreen Magaalada Burco. Siday shebekadaasi baahisay wiilku waxa uu sheegay in gaadhiga lagu qaaday ay saarnaayeen markaa la qafaashay saddex nin oo hadii la horgeeyo uu garan karo wejiyadooda.

Khadar cabdisalaan waxaa uu sheegay in magaalada Burco laga dejiyay guri cidlo’ ah oo aanay cidi ku noolayn,habeenkii markuu seexday gurigaa cidla’da ahna uu is ogaaday in naftiisa duulaan lagu yahay, sidaa aawadeed,isla habeenkii Burco uu u hoyday aroornimadeediina dusha lagaga sii qufulay gurigaa cidlada ahaa ee uu u hoyday. Khadar Cabdisalaan Axmed Nuur,siduu u sheegay shebekadaa, Waxaa uu ka soo booday Gidaarka suuliga guriga,waxaanu u soo baxay dibada, markii uu in cabaar ordayayna, waxaa uu si kedis ah ugu galay guri xaas,isagoo aad u xiiqsan oo neef tuuraya. Qoyskii deganaa guriga ayaa gar gaar u fidiyay, soona dhaweeyay, waanay waraysteen, sidaana wuxuu ku yimi aakhirkii gurigoo dii iyo Hargeysa. Lama sheegin sababta loo qafaashay iyo danta ay ka lahaayeen nimanka falkaa geystay.

Dhinaca kale, khataraha ka ganacsiga xubnaha aadamaha ayaa loo arkaa inuu qayb ka yahay, afduubka loo gaysto ubadka aan weli qaan gaadhka ahayn ee caafimaad qaba, kuwaasoo loola baxsado meelo kale, si looga faa’iidaysto, taasoo ah dhibaato caalamka ka jirta guud ahaan, gaar ahaan mandaqadana uu walaacaasi ku soo xoogaysanayo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.