Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Gobollada Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo ka furmay Baydhabo

Baydhabo(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa furay Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Bulshooyinka ku dhaqan gobollada Koonfur-Galbeed ee dalka Soomaaliya, kaasoo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

SHIRWEYNAHA DIB U HESHIISIINTA EE BAYDHABO KA FURMAY

BAYDHABO baydhabo2222 DSCN0626 DSCN0670 DSCN0678 SHIRWEYNAHA DIB U HESHIISIINTA EE BAYDHABO KA FURMAY SHIRWEYNAHA DIB U HESHIISIINTA EE BAYDHABO SHIRWEYNAHA DIB U HESHIISIINTA EE MAGAALADA BAYDHABO

Ka sokow Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ka qaybgalay Munaasabadda furitaanka Shir weynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur-Galbeed Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, XIldhibaanno Baarlamanka ka tirsan, Ergooyinka Beelaha Gobolladaas ka socda, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiil Beesha caalamka ka socda, Fannaaniin iyo Kooxaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee gobolladaas oo halkaas ku soo bandhigay Heeso ka turjumaya Muhiimadda nabadda, wada-jirka iyo dib-u—heshiisiinta dadka wada dega dalka.

Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosoow oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa tilmaamay in shacabka gobolka Baay ay guul usoo hooyatay tahay in maanta Madaxda Dalka qaarkood,wasiirro,xildhibaanno iyo ergo farabadan shir ay ka qeybgalayaan marti geliso islamarkaana maamul ahaan iyo shacab ahaanba si aad ah u garab taagan yihiin natiijada shirkan iyo qabsoomidiisa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaarraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Khaalif Cumar Cali oo isna ku hadlay magaca gudiga farsamada ka socday Xukuumadda ee ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa uga mahad celiyey madaxda hortooda sida hagar la’aaneed ee Gudoomiyaha Baarlamaanka howshan ugu dhabar adeygay iyo kaalinta ay leeyihiin odayaasha dhaqanka.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa dadaalka faraha badan ee ay geliyeen sidii bulshadan is faham loo dhex dhigi lahaa waxaana uu dhanka kale ballan qaaday in Xukuumaddu ay si buuxda u garab taagan tahay qabashada shirkan oo natiijadiisu ay noqon doonto ugu dambeyn dhisidda maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo ay yeeshaan gobollada Baay,Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddii ugu dambeysay ee shirka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay hadal si qaldan ay warbaahinta qaarkood u isticmaaleen oo isaga laga sameeyey kaasi oo ku saabsanaa Puntland waxaana uu xusay in hadalkaasi marka koobaad uusan sir aheyn oo uu ka sheegay bishii September 11keeda sanadkii 2013 xiligaasi oo Puntland ay howlgallo ka socdeen laakiin saxaafadda isticmaashay ay kala jartay oo ay ka jareen dhameystirkiisa oo ahaa in Puntland ay xaq u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda,balse dhalinyarada ka tagtay gobolladan ee tagtay Puntland looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan waxaase nasiib daro uu ku tilmaamay in sidaas saxaafadda qaarkood u dhaqanto welibana lagu soo beego marka la maqlay in shir weynahan dib u heshiisiinta uu furmayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shir weynahan uu furan yahay ayaa kula dardaarmay ergada ka qeybgalaysa in laga doonayo mudo 45 cisho gudahood iney ku gudagalaan ajandayaasha horyaala oo kala ah dib u heshiisiinta iyo is cafinta shacabka, mideynta aragtiyooyinka kala duwan ee la xiriira sameynta maamulka koonfur Galbeed kadibna la gudagalo dhismaha maamulka KMGka ah ee Koonfur Galbeed.

Tan iyo bilawgii sannadkan waxa magaalada Baydhaba ka taagnaa xiisado siyaasadeed oo kacsan, isla markaana iska soo horjeeda, iyadoo la isku khilaafay Maamullo kala duwan oo halkaas wakhtiyo kala dambeeyey oo isla sannadkan ah lagaga dhawaaqay, kuwaasoo Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee loogu yeedhay inay ku midaysan yihiin lix gobol oo la isku yidhaahdo Koonfur-Galbeed Soomaaliya laga dhisay halkaas, kaasoo ay dadweynuhu inta badan taageersan yihiin iyo Maamul-goboleed loogu yeedhay Maamul-ka Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo maamulaya saddex gobol oo keliya, kaasoo ay dawladdu taageersan tahay, dadweynuhuna badi ka soo horjeedaan.

Waxaana Baydhabo ka dhacay Muddaharaadyo maalmo joogto u socday oo lagaga soo horjeedo dawladda Federaalka ah, Maamul-goboleedka Saddexda gobol iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM oo Maamulka dawladda federaalku taageersan tahay ee saddexda gobol taageersan, waxaana gudaha magaalada ka dhacay dagaal hubaysan oo ay labada Maamul iskaga hor-yimaaddeen, waloow ay hadda xaaladdu sidaas ka deggan tahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.