Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo si adag uga hadlay dilka nin Britain u dhashay oo Daacish Madaxa ka goysay

London(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Britain Mr. David Cameroon, ayaa sheegay in dilka David Haines uu ahaa “ficil aad u xun oo waxshinimo ah” ka dib markii kooxda Daacish ay baahiyeen fiidiyow muujinaya iyagoo lahaystaha Reer Britain Madaxa ka goynaaya.

140911151844_isis_raqqa_syria_islamic_state_512x288_reuters_nocredit

Ra’iisul wasaaradaha ayaa wacad ku maray inuu sameynaayo waxkastoo ay awoodaan si ay u ugaarsadaan kuwa dilay 44-sano jirta ka shaqeynaayay howlaha gargaarka, kaas oo Syria lagu afduubtay bishii Maarso ee sanadkii 2013-ka.

140914001952_david_haines_murder_video_624x351__nocredit

Mintidiinta khilaafada Islaamka ayaa horey madaxa uga gooyay laba nin oo u dhashay Mareykanka, taas oo ay sheegeen inay jawaab u tahay duqeymaha Mareykanka ee Ciraaq. Fiidiyowga ugu dambeeyay waxaa xittaa ku jirto handadaad ah in la dilayo lahayste kale oo u dhashay Britain oo gacanta ugu jiro kooxdan.

Naxdin iyo murugo

Warqoraal ah oo kasoo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa lagu sheegay in Mike Haines oo la dhashay David Haines inuu sheegay in ay jeclaayeen dhammaan qoyskiisa, ayna wayntiisa ay dhibaato ku tahay.”

Mr Cameroon ayaa sheegay dilka qof aan waxba galabsan oo gargaarka ka shaqeeya, ahaana aabaha laba caruur ah inay tahay aarin “Laga quursado oo naxdin leh”. Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay inay quloobtooda la murugooneyso qoyska Mr Haines iyo dhammaan dadka UK.

Warbixin ka soo baxday Mareykanka ayaa Mr Obama uu ku sheegay in ay Britain la shaqeyndoonaan iyo in isbeheysiga ballaaran ee ay dhisayaan uu soo qaban doono dadka arrintan ka dambeeyay si loo horkeeno cadaaladda.

Wuxuu tilmaamay in ay garbaha isqabsan doonaan saaxiibkooda ugu dhow iyo dalka ay isku xulafada yihiin xilliga murugada ayna xallindoonaan dhacdada. David Haines ayaa ka shaqeynaayay howlaha gargaarka ee Suuriya.

Filimka oo soo baxay habeenkii sabtida ayaa ku bilaabanaya codka David Cameroon, kaddibna waxaa la tusinayaa qof u muuqda inuu yahay Mr Haines oo ku lebisan dhar jaale-casaan ah, oo jilbaha dhulka loo dhigay gadaashiisana uu taagan yahay nin wejiga duubtay oo midi gacanta ku haysta.

Dhibanaha, ayaa markaasi kaddib hadlaya oo dhahaya, “magaceygu waa David Cawthorne Haines. Waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo inaan kuu sheego, David Cameroon inaad gebi ahaanba masuul ka tahay dilkeygan.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mr Cameron uu si buuxda ugu jiro isbeheysiga Mareykanka ee ladagaalamaya dowladda Islaamiga ah,”si la mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee uu badalay ee Tony Blair”.

Dowladda Britain ayaa hub iyo rasaas siisay Ciraaq si ay ula dagaallanto xagjiriinta Daacish, sida uu kol hore sheegay wasiirka difaaca. Xoogagga Kurdiyiinta, ee sidoo kale loo yaqaano Peshmerga, ayaa ku lug leh dagaal aad u xooggan oo ka dhan ah Khilaafada Islaamka.

Kooxdan ayaa kol hore ku cagajugleysay dilka Mr Haines haddii Mareykanka uusan joojin duqeymaha diyaaradihiisa ay ka geystaan Ciraaq. La haystaha labaad ee u dhashay Britain ayaa filimka ugu dambeyn la is tusayaa, waxaana ay sheegayaan kooxdan inay dilayaan.

Xigasho BBCSomali.com.