Uganda oo sheegtay inay fashilisay Weerar Argaggixiso oo ay Al-Shabaab ka fulinaysay Kampala

Kampala(Aftahannews):- Dawladda Uganda, ayaa shaaca ka qaadday inay heshay waxay ugu yeedhay ‘’Unug Argagixiso” oo ka tirsan Kooxda Al-Shaabab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya, kuwaasoo la rumaysanyahay inay qorsheynayeen inay weerarro ka geystaan gudaha magaalada Kampala ee Caasimadda dalkaas mustaqbalka dhaw.

Sarkiisha Safaaradda Marekanka ee Magaalada Kampala, ayaa ku dhawaaqey arrintan maanta oo Sabti ah, isagoo sheegay in Uganda ay kordhisey amniga meelo muhiim ah sida garoonka caalamiga ah ee Entebbe Madaxdu wali ma aysan sheegin bartilmaameedyo cayiman.

Safaaradda Mareykanka ee Kampala, waxay kula talisay Muwaaddiniinta Mareykanka ah ee ku sugan gudaha dalka Uganda inay ku ekaadaan guryahooda, lana socdaan warbaahinta tan iyo inta la caddeynayo xaalka sida uu yahay.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kampala Sayid Axmed, ayaa VOA-da oo aannu Warkan ka soo xigannay waxa uu u sheegay in Ciidanka Booliska Uganda ay baadhitaanno ka sameeyeen Hudheello ay Soomaalidu ku leeyihiin Xaafaddaha Soomaalidu ka dagan tahay magaalada Kampala.

Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta gudaha dalka Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah Kenya, ayaa hore weerar uga fuliyey dhawr sano ka hor Caasimadda dalka Uganda ee Kambala, iyadoo kooxdaasi marar hore u hanjabtay Uganda maaddaama oo ay ka mid tahay dalalka Midawga Afrika ee ay Soomaaliyda Ciidamada AMISOM ka joogaan, balse illaa hadda kamay hadal Al-Shabaab warkan ka soo baxay Uganda iyo Safaaradda Maraykanka ee Kampala.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.