Xukuumadda federalka Soomaaliya oo qabanaysa Shirweyne lagaga hadlayo Dhaqanka Soomaalida

Muqdisho(Aftahannews):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Sabtidii maanta kaga dooday kulan qaabka ugu habboon ee loo qaban karo Shirweyne ku saabsan Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida, kaasoo Goluhu u xil-saaray Guddi ka soo talo-bixisa habka loo qaban karo shirkaas.

WASIIRRADA SOMALIA

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda Abaaraha ka jira dalka, Amniga guud iyo qodobbo kale oo ka mid yahay dawladda Soomaaliya oo dib-u-habayn ku samaynaysa Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda. Waxaana sidoo kale lagaga hadlay shirkaas qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Abaaraha iyo arrimo kale oo xiiso badan.

Warkaas oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkiisa halkan hoose ee Daawasho habboon.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.