Saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliya oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa maanta iyo caawa lagu kala dilay gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo la sheegay inay Dablay hubaysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab weerarro qorshaysan ku bartilmaameedsatay.

EE5D6C88-F008-421B-9546-5B912E36BAF5_w268_r1_cx0_cy4_cw0

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka La-dagaallanka argagixisada ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Qaybe, ayaa maanta lagu dilay agagaarka Zope, iyadoo sidoo kalena Degmada Wada-jir lagu dilay caawa Sarkaal magaciisa lagu sheegay Yuusuf Amxaar.

Maxamed Qeybe ayaa weerarkan lagu dhaawacmey maanta, balse markii danba u dhintey dhaawacii ka soo gaarey Rasaasta lagu furay, isagoo ku geeriyooday Cusbitaalka oo lagula tacaalayey saacado kooban xaaladdiisa caafimaad.

Ma jiro wax war ah oo ay dawlada federaalka Soomaaliya ka soo saartey weerarkan lagu diley Sarkiisha Nabad-sugidda ka tirsanaa, balse Al-shaabab, ayaa warbaahinta afkeeda  ku hadasha iyo Twitterka-ba waxay ku sheeegeen in ay dileen Taliye Ku-xigeenkaas Ciidanka La-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.