Inqilaabkii Xil: Tukaale ee Tahriibinta Xeerka Diiwaangelinta, Fashilintii Xil: Rayte & firka-nixii Gd: Baashe

“Inqilaab aan dhiig ku daadan baa Guddigayaga ka dhex-dhacay, Xeerkanina xalaal nagagama iman ee Tahriib baa lagu keenay Golaha, haddaynu sidaa ku siidaynana waa Masuuliyad-darro…” Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa sheegay in Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumaddu Golaha u soo gudbisay oo ay gacanta ku haysay Guddiga uu Guddoomiyaha u yahay si Tahriibin ah oo aanu ka war-haynin waxna ka ogeyn Fadhigii Golaha ee Sabtidii Saaka loo horkeenay, kaasoo ay Xukuumadda Siilaanyo dabada ka wadday, isla markaana Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Goluhu doonayeen in si jujuub ah duudduub loogu ansixiyo.

Hase-yeeshee, ay Xildhibaannada Mucaaradka ah ee Golaha Wakiilladu gaashaanka ku dhufteen,isla markaana is-hortaageen ansixinta Xeerkaas. Fadhiga Saaka oo Kooram la’aan ku furmay waxa guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo uu garab-fadhiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Md. Cali Yuusuf Axmed.

Fadhigan ayaa la doonayey in lagu hirgeliyo qorshe Xukuumaddu wadatay, isla markaana la sheegay inay lacag ku bixisay oo ay ku laaluushtay Xoghayaha Guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Bashiir Tukaale oo beryihii dambe ka mid ahaa Xildhibaannada ugu cadcad Mudanayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Wakiillada, balse la sheegay in Xukuumaddu ku laaluushtay inuu Xeerkaas oo aan wax ka beddel iyo kaabis toona lagu samayn Golaha u gudbiyo saaka ahaan, si ay Mudanayaasha Muxaafidka ah iyo inta ay Mucaaradka laaluushkeeda ku qancayaa duudduub ugu ansixiyaan.

Hase-yeeshee, qorshahaas ayaa fashilmay markii ay Mudanayaasha Mucaaradku gaashaanka ku dhifteen, isla markaana uu si kedis ah oo lama filaan ah fadhiga u yimi, guddoonkiisana ula wareegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Dubia ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, balse markii uu saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dibna uu si toos ah u yimi Golaha.

Halkan ka dhegayso Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka hadlaya Xeerkaasi sida uu yahay iyo sida dhukusaadda ah ee Xildhibaannada Golaha loogu qaybiyey.

Intaa ka dib, Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa sheegay in Xeerkaasi Golaha hor oolli doono, isla markaana loo yeedhi doono maalmaha soo socda Guddiga doorashooyinka Qaranka, si ay tafaasiil uga bixiyaan qodobbo isku murugsan oo Xeerka ku jira maaddaama oo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu iyaga khusayso, halka diiwaangelinta Madaniga ah ay Xukuumaddu ka wadato oo ay iyadu qabanayso, sidaasna uu fadhigu ku xidhan yahay. Waxaana lagu kala dareeray sidaa.

Wararka qaar laga helay dad goob-joogayaal ah ayaa Aftahannews u sheegay in Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Xukuumadda u adeegayey ay Madaxtooyada orodkii ku tageen, ka dib markii ay Weji-gabax iyo ceeb kala kulmeen qorshaha Madaxtooyadu Lacagtu ku siinaysay ee ka gaadhsiinta meel-marinta Xeerkaas oo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi ku tilmaameen mid ay Xukuumaddu dalka khalkhal ku gelinayso, doorashada iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashana ay wakhtigooda meesha kaga saarayso oo aanay iyagu aqbali doonin.

Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa Khamiistii soo saaray go’aan ay sheegeen inay si wada-jir ah ugu qaaddeceen guud ahaanba diiwaangelinta Madaniga ah ee ay Xukuumaddu wadato, iyagoo ku dooday inay qaaddacaaddoodu ka dambaysay heshiisyo ay hore u wada-galeen Xukuumadda oo ay ka baxday ama jebisay, isla markaana inta heshiisyadaas ay ku dhaqmayso aanay aqbali doonin haba-yaraatee diiwaangelintaas.

Hase-ahaatee, Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa iyadu dhinaceeda ku doodaysa inaanay wax ay jebisay jirin ee Xisbiyada Mucaaradka ahi ay aqbaleen ama ayideen tallaabo ay Xukuumaddu sheegtay inay dawladda Federaalka Soomaaliya kaga soo horjeeddo diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn meel ay dawladda Soomaaliya ka sheegtay ama ku sheegtay inay ka soo horjeeddo diiwaangelintan khilaafku ka taagan yahay ee Somaliland. Waxaana la filayaa in Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland doorashada iyo nidaamka dimuquraadiyadda ka caawiyaa inay xallinta khilaafkan u yimaaddaan Hargeysa, halka ay qaarkoodna illaa xalay ku sugnaayeen-ba.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.