Madaxweyne Obama oo Ballan ku qaaday inuu bilaabayo baabbi’inta Daacish & illawga Mawqifkiisii hore

Washington(Aftahannews):- Madaxwaynaha Maraykanka Brack Obama, ayaa ku hanjabay inay dawladdiisu burburin doonto, isla markaana baabbi’in doonto guud ahaanba jiritaanka Kooxda Khilaafada Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish (ISIS), kuna qaadi doonaan hawlgallo Millateri oo xidhiidh ah si meesha looga saaro Kooxdaas sida uu ku dooday.

Madaxweyne Obama, oo xalay Khudbad toos ah ka jeediyey Talafeshinka waxa uu sheegay in Maraykanku uu hoggaamin doono Xulafo wayn oo ka soo horjeedda Ururkaas.

Ururkaas ISIS oo maamula qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya. Madaxwaynuhu waxa uu markii u horraysay amray in diyaaradaha Maraykanku ay duqaymo ka geysan karaan gudaha Suuriya iyaga oo baacsanaya xoogagga khilaafada Islaamiga ah.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry oo ku sugan maanta magaalada Jiddah ee waddanka Sucuudiga, ayaa kulan la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxda Sunniga ah ee waddamada Carabta.

Madaxdaas waxaa ka mid noqon doona Boqorka Sucuudiga iyo kan Jordan. Kulankaasina waxa uu ku saabsan yahay sidii uu taageero ugu raadin lahaa qorsha Madaxwayne Obama doono inuu taageero ugu helo la-dagaallanka Kooxda Daacish.

Madaxweyne Obama ayaa ololaha doorashada Madaxtinnimada markiisii labaad ku galay dhawr sano inuu Ciidammada Maraykanka ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq kala baxayo haddii uu doorashada ku guulaysto, isagoo ballan-qaadkaas fuliyey markii uu guulaystay ka dib.

Waxa uu Obama sheegay inuu wakhtigii Maraykanka iyo Xulufadiisu duullaanka ku qaadeen Ciraaq sannadkii 2003-dii aanu taageersanayn ee uu ka soo horjeeday, hase-yeeshee, hadda waxa uu u muuqdaa mid illoobay wixii uu hore u diiddanaa Ciidammada Maraykankana kaga saaray Ciraaq oo uu hadda isagu bilaabay qiil u raadinteeda iyo inuu mar kale Ciidammo Maraykan ah keeno Ciraaq.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.