Xildhibaan Xukuumadda Siilaanyo ku tilmaamay mid is-tooganaysa, Caadaysatayna Tacaddiga Mucaaridka iyo Saxaafadda

Hargeysa(Aftahannews):- Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Boosh-cadde oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland,ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay mid iyadu isku dhufanaysa xabbadii lagu dili lahaa, isla markaana guul iyo taageero u soo hoynaysa mucaaridka, waxaanu  ugu baaqay Xukuumaddu inay siidayso Weriyeyaasha la xidhay,  dulqaadna u yeelato Madax-bannaanida xorriyatul-qawlka.

Xildhibaan Boosh-cadde

Xildhibaan Cabdicasiis waxaa kaloo uu ka hadlay xaaladda  colaadeed eek a jirta bariga Somaliland oo uu sheegay inay xukuumaddu ka gaabisay oo aanay  deg deg uga jawaabin.

Xildhibaan gaaxnuug waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka Caawa ku siiyay Shabakadda Wararka ee Aftahannews.com.

“Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu dul u yeesho waxyaabaha laga qorayo oo uu deg deg usii daayo wariye yaasha la xidh xidhay,waxaanan leeyahay Madaxweyne saxaafadu waa tii ku soo saartay ee aad codka ku heshay kaamana geyaan inaad xidh xidho.” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Boosh-cadde oo ka hadlayay  xadhigga afar Weriye oo maanta lagu xidhay  degmadda Laasgeel,waxaanu intaa raaciyay.

“waxaa loo baahan yahay dalka inaan laga baydhin dalkan wixii lagu soo dhaqayay oo ahaa isu tanaasul iyo kala dambayn laakiin maanta waxaan moodaa in xukuumadeenu ay sidato hubkii lagu ridi lahaa oo ay dalbanayso buuqa,sababtoo ah waxay Xisbiga UCID iska hor taagay inay gabilay booqdaan taasina maaha wax loo baahnaa markaa Xukuumadu iyadaa dadka ku kalifaysa inay mudaharaad wayn dhigaan oo ay isku soo baxaan laakiin marna mucaaridku may odhan waa la mudaharaaayaa illaa ay dhacday in UCID gabilay loo diido.”

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Boodhcadde oo wax laga weydiiyay xaaladda bariga Somaliland iyo dagaalada ka colaada ka aagan deegaanada degmada Taleex ee gobolka Sool, waxa uu yidhi; “Xukuumaddu way ka seexatay colaadda ka taagan deegaanada bariga Somaliland oo dagaal  lagu soo qaaday dadkeedii shicibka ahaa oo u baahan in aan lagu eegin cadawga ku so duulay balse ay tahay in loo gurmado, laakiin imika waxaan ugu baaqayaa xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo inay adkeeda u gurmato oo dadkeeda ay ka difaacdo cadawga soo weeraray isla markaana ay hab dublamaasiyadeed ku qabsato dalkeeda ka maqan.”

Xildhibaan Cabdicasiis oo wax laga weydiiyay waxa ay guurti ahaan uga aamuseen khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda, waxa uu ku jawaabay; “Horta arrintaasi maaha mid aanu ka aamusaynno waxaanan ku dedaalaynaa in aanu isku keeno Madaxweynaha iyo masuuliyiinta mucaaridka,shalay Cirro iyo Siilaanyo shalay way wada socdeen o gacmaha ayay is haysteen maantana wax u diidaya inay wada hadlaan oo ay isku yimaadaan ma jirto, waxaanan ugu baaqayaa guddoomiyaha guurtida inuu ka odayeeyo  khilaafka siyaasadeed ee mucaaridka iyo Xukuumadda oo uu isu geeyo labada dhinac.”

“Xukuumadda waxaad moddaa inay gacanta ku sidato hubkii lagu dili lahaa, immika waxaad mooddaa inay Xukuumauddu ku dhawaaqays inay muddaharadyo badani dalka ka dhacaan, waxaan ku caddaynayaa, marnaba maynaan arag mucaaridka oo ku kacaya wax khalkhal-gelinaya ammaanka. Laakiin, marka ay Xukuumaddu u diidday inay Gabilay tagaan oo ay magaalooyinka dalka Masuuliyiinta Mucaaridku tegi karaan taasi waxay u muuqanaysaa dadku ha muddaharaadaan oo ha kacaan.” Sidaa ayuu yidih Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde.

Waxaanu Xildhibaan Cabdicasiis oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray, isla markaana talo ahaan ku soo jeediyey weedhan waraysigiisa uu ku soo gunaanaday, waxaanu yidhi; “Laakiin, waxaan kula talinayaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo inuu hoggaaminta dalka dulqaad ku wado, waayo? Loogama fadhiyin Madaxweyne Mujaahid ah inuu dimuquraadiyaddii uu u soo halgamay ee uu haddana Xisbi Mucaarid u furtay inuu maanta ka horyimaaddo. Laakiin, hadday Xukuumaddu sidaa ku sii socoto waa siday ku taageero waayi lahayd ayaan leeyahay ee Madaxweyne Siilaanyo ha ixtiraamo dimuquraadiyaddii lagu soo doortay.”

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland