Madaxweyne Xasan Sh. Markaykan tegye Muxuu kula soo laabtay Muqdisho?

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkii ay ku tegeen dalka Maraykanka iyo shirarkii uu halkaasi kaga qeyb galay.

aft IMG_8336 IMG_8338 IMG_8346 IMG_8347 IMG_8348 IMG_8351 IMG_8360IMG_8353  IMG_8361 IMG_8364 IMG_8371 IMG_8372 IMG_8374 IMG_8385 IMG_8387 IMG_8398 IMG_8425 IMG_8428 IMG_8434 IMG_8452 IMG_8453 IMG_8456 IMG_8488 IMG_8491 IMG_8492

Madaxweyne Xasan iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shirkii hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Mareykanka ee ka dhacay magaalada Washington ay ka soo baxeen go’aano aad u muhiimsan, kuwaasi oo ay ka midyihiin in la xoojiyo xiriirka Afrika iyo Mareykanka, heshiisyo lagu horumarinayo dhanka tamarta, fursad siinta dhalinyarada Qaaradda Afrika iyo Arrimo kale.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in isaga iyo wafdiga la socday ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxdii shirka ka qeyb gashay iyo kuwa Maraykanka, waxaana uu Madaxweynaha tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada abaaraha laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada Dalka.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka uu ahaa mid looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in Jaaliyadda ay ka qeyb qaadato dib u dhiska iyo horumarka dalka, islamarkaana ay gacan ka geystaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa ay garoonka Aadan Cadde ku qaabileen Wafdi ka socday dowladda Denmark, oo uu hogaaminayay Wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Mr Mogens Jensen.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo qorshaha ku saabsan shirka Hiigsiga cusub ee New Deal oo 19-ka bisha November lagu qaban doono magaalada Copenhagen ee xarunta dalka Denmark.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.