Soomaaliya: Xukuumadda oo guul weyn ka sheegatay dagaallo dhex -maray Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleystay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhex-maray Ciidammada dawladda oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Malleeshiyaadka Al-Shabaab.

WASIIR DHUXULOW

Wasiir Dhuxuloow. ayaa ciidanka amniga ku amaanay guulaha ay ka gaareen weerarro ay xalay dhowr jeer ku qaadday Al-shabaab degmadaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti ka socda.

Waxa uu Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr. Dhuxulow oo ka hadlayaa yiri; “Al-shabaab jab ayaa kasoo gaaray dagaalkii xalay, waxaa laga dilay in ka badan lix qof oo uu ku jiro taliyihii watay, maydadkoodna waxay weli yaallaan gudaha degmadaas, iyadoo kooxdu ay dhowr jeer isku dayday inay qaataan meydkaas, hase yeeshee aanay u suuro-gelin.”

Wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhowr jeer isku dayday inay weerarto degmadaas, balse ay ka hortageen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM. “Argagaxisada Al-shabaab si ba’an ayaa loogu jabiay dagaalkii xalay, waxayna tani ka mid tahay guulaha is-daba-joogga ah ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka gaareen weerarrada Al-shabaab ay ku soo qaadayso deegaannada kala duwan ee dalka.” Sidaa ayuu yiri Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Waxaanu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya intaa ku sii laray oo yiri; “Dowladdu waxaa ka go’an inay dagaalka ay kula jirto Al-shabaab sii waddo si dalka loo gaarsiiyo xasillooni, nabad iyo barwaaqo. Kooxdan waxay shacabka u diiddan yihiin nabadgalyo iyo barwaaqo, sidoo kalena waxay diiddan yihiin dowladnimo, maamul-wanaag, kala sarreynta sharciga iyo horumarka dalka.”

Dhuxulow wuxuu sheegah in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshihii nabadeynta, xasilinta iyo sidii dalka loogu horseedi lahaa doorashooyin xor ah oo dhaca sannadka 2016-ka si shacabku ay uga tashadaan aayahooda.

“Waxaa waajib nagu wada ah inaan shacab iyo dowlad gacmaha is-qabsanno oo aan kawada shaqeyno nabadeynta dalka. Ciidanka geesiyaasha ahna waxay naga wada mudan yihiin inaan si joogta ah u taageerno si ay ugu sahlanaato in si dhaqso leh loo soo afjaro dagaalka lagula jiro argagaxisada.” Sidaa ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.