Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay 54-guurada xornimadii Somaliland oo 26 June 2014 ku buuxda

GUDDOOMIYE MUUSE BIIXI

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay 54-guurada ka soo wareegtay markii calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelato laga taagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland 26 June 1960-kii oo dabcan caawa ku buuxda marka ay saacadda Geeska Afrika 12:00-ka habeennimo tahay caawa.

muuse biixi

Guddoomiyaha KULMIYE War-Saxaafadeed kooban oo uu caawa soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, ayaa sheegay inuu hambalyo iyo bogaadin u dirayo shacab-waynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan, isla markaana uu u rejaynayo inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad-qab iyo aqoonsi buuxa.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee Aftahannews helay waxa uu u dhignaa sidan:- “Ujeeddo: Hambalyada 26-ka June- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland xuska sannad-guurada 54-aad ee ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay mustacmarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu u rajaynayaa inay sannadkan kiisa ku gaadhaan horumar iyo aqoonsi. ALLAAH MAHAD LEH.”

aftahahninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.