Malleeshiyaadka Al-Shabaab oo qoorta ka gooyey Ganacsade Soomaaliyeed

Baydhaba(Aftahannews):- Malleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay qoorta ka jareen nin la sheegay inuu ahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo qaadka Miirooga loo yaqaan dalka keeni jiray, isla markaana gebi ahaanba dab qabadsiiyeen gaadhi uu watay iyo jaadkii saarnaa.

Al-shabaab-131ddddGAWRACA AL-SHABAAB

Sida Wargeyska Somalicurrent baahiyey maanta, dhacdadan oo ka dhacday goob 13 km kaga beegan duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ku joojiyeen gaadhi qaad siday meel u dhow Buur-xakaba, ka dibna dab qabadsiiyeen gaadhigii oo jaadku saran yahay, ka hor intaanay qoorta ka jarin Marxuumka Soomaaliyeed ee gaadhiga watay.

 “Waa dhacdo murugo leh, si weyn ayaan u cambaaraynaynaa.” Sidaa ayuu u sheegay Malak Ibdiyow, hogaamiye-dhaqameed warbaahinta gudaha.

Isticmaalka qaadka ayaa mamnuuc ka ah deegaamada ay maamulaan maleeshiyaadka Shabaab, isla markaana qofkii lagu arko ayaa mutaysta ganaax culus, wallow, ganacsatada qaadku ku geeyaan deegaamada Shabaab maamusho qarsoodi naftooda halis geliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Baydhabo/Soomaaliya.