Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo hoggaamiya Garab ka mid ah labada Garab ee KULMIYE u kala jabay, ayaa ka hadlay, isla markaana jawaab ka bixiyey go’aan ay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyadu shalay soo saareen oo ay ku sheegeen inay Liiska Golaha dhexe ee Garabka Madaxweyne Siilaanyo soo saaray sharci yahay.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu soo saaray qoraal gar-naqsi ah oo uu Guddiga diiwaangelinta ugaga digay inaanay ku dhex-milmin khilaafka ka dhex-aloosan Xisbiga KULMIYE, taa beddelkeedana ay ka war-sugaan natiijada dhex-dhexaadinta Guurtidu isugu soo dhawaynayso labada Garab ee KULMIYE u kala fadhiyo.
Guddiga Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo shalay magaalada Hargeysa shir-jaraa’id ku qabtay, ayaa ansixiyey Liis ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe oo ay u gudbiyeen Shir-guddoonka Shirweynihii 3aad oo soo saaray Liisas khilaaf ka dhex abuuray Xisbiga, kuwaas oo Garabka guddoomiyaha Kulmiye ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan isla markaana ah ubucda khilaafka Xisbigu ka abuurmay maadaama aan liisaskaas loo gudbin Guddoomiyaha
Muuse Biixi Cabdi ayaa jawaabtiisu daba-socotaa go’aanka shalay Guddiga Diiwaan-gelintu shaaciyeen isla markaana ku tilmaameen ku sheegeen inuu yahay ka kaliya ee sharciga waafaqsan maadaama oo dhinaca kale ee khilaafka qaybta ka ahi aanay waxba u soo gudbin. Waxaanu ugu baaqay inaanay dabka ku sii shidin khilaafka Sharci ee xisbiga inta la xalinayo khilaafka jira, isaga oo u ballan-qaaday inay dhinacoodana u gudbin doonaan liisaska Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee uu isagu magacaabay.
War-saxaafadeed ku taariikheysan 31/05/2014 oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo lagu socodsiiyey Guddiga Diiwaangelinta, Ogeysiin-na lagu siiyey Madaxweynaha, Xeer-ilaalinta, Komishanka Doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Guurtida, isla markaana xambaarsan doodda garabka Hoggaanka Xisbigu ka taagan yihiin is-maandhaafka jira, ayaa u dhignaa sida tan: –
“Anigoo tixraaacaya qoraalka Tirsigiisu yahay GDU/AAS/205/2014, waxaan idinla socodsiinayaa in qoraalka go’aamada guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabtu Qaranka iyo Hay’adaha kale Arrimaha Axsaabtu khusayso waxa u soo gudbin kara kaliya Guddoomiyaha Xisbig ama Cidda uu wakiisho, sida ku cad Dastuurka Xisbiga.
Waxaynu ognahay in Astaanta Qaranku tahay Madaxweynaha JSL, sidoo kalena Astaanta Xisbiga Kulmiye waa Guddoomiyaha.
Shirweynihii 3aad wuxuu go’aamiyey Saddex qodob oo kaliya, sida Maqal iyo Muuqaal lagu hayo:
Waxa kale oo aan idinla Socodsiinayaa:
Liiska qoraallada laydiin soo gudbiyey waa waxa sababta u ah khilaafka Xisbiga ka dhex taagan, umadda reer Somaliland-na way ogtahay.
Khilaafkan oo ay abuureen masuuliyiin ay ka mid yihiin xubnihii shir-guddoonka shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo awood aanay lahayn ku takri-falay.
Sidaas, daraadeed, waxaanu guddida Diiwaangelinta ugu baaqaynaa in aanay ku dhex-milmin khilaafka Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah, dibaddana ay ka joogaan iskana ilaaliyaan in sharciyadda cidi gacal-maroojiso.
Waxa kale oo aanu idinla socodsiinaynaa in xalinta Khilaafka Kulmiye dhexdiisa ah ay gacanta ku hayaan Golaha Guurtidu ayna u baahan tahay in la dhawro waan-waanta socota.
Gebo-gabadii, waxaanu idiin soo gudbin doonaa Liiska Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Go’aamadii shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye marka khilaafaadku dhammaado.”
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.
You must be logged in to post a comment Login