Somaliland oo Sheegtay inaanay Somalia lahayn Dekedo ay Ethiopia Heshiis kula gasho

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal uu shalay sheegay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu kaga hadlay inaanay Itoobiya Bad u diiddanayn, balse ay isku hayaan dariiqa ay u martay doonisteeda badeed, waxaanay Somaliland sheegtay inaanu suuragal ahayn waxa Xasan Sheekh ka hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Soomaaliya aanay lahayn Deked u dhow Ethiopia oo ay heshiis kula geli karto.

“Xasan Sheekh Maxamuud weli ma fahmin, isfahanka Itoobiya iyo Somaliland keliya kuma saabsana Dekedo, laakiin halka ay Dekeddu ku taallo iyo gaadhitaankeeda ayuu ku saabsanyahay, xataa haddii Itoobiya ay aqbasho dalabkiisa Dekedda keli ah ee uu maamulaa waa Dekedda Muqdisho oo 1600KM u jirta Itoobiya.” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Waxa uu sheegay in marka laga yimaaddo masaafada ay xaalada sii xumaynayso Al-shabaab oo uu sheegay in ay maamusho inta badan dhulka u dhexeeya Muqdisho iyo Itoobiya iyo in aanay jirin waddooyin ku habboon ganacsiga. Sidaa darteedna, aanu dalabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahayn mid suurtogal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii shalay sheegay in dowladiisu aanay kasoo horjeedin in Itoobiya ay soo gaadho Xeebaha Soomaalida, balse uu ka soo horjeedo waddada ay u martay.

Sida ay Somaliland sheegtay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya, uu hadda dhammaystir ku dhaw. Somaliland, ayaa shirkad sharci oo Ingiriiska laga leeyahay u xilsaartay dhammaystirka heshiiska isfaham.