Maraykanka oo Mar kale Walaac ka Muujiyay Heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Ethiopia

Muse Bihi Abdi and Abiy Ahmed singed MAUI 2024
Muse Bihi Abdi and Abiy Ahmed singed MAUI 2024

New York (aftahannews):- Dowladda Maraykanka, ayaa mar kale ka digtay  heshiiska isfaham ee Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland, oo ay dowladda Soomaaliya si weyn uga soo horjeesatay oo ay ku tilmaantay sharci-darro iyo farogelin Itoobiya ku samaysay madaxbannaanideeda.

Muse Bihi Abdi and Abiy Ahmed singed MAUI 2024
Muse Bihi Abdi and Abiy Ahmed singed MAUI 2024

Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Itoobiya.

Waxa uu sheegay in Maraykanku aad uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas isfaham ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ambassador Robert Wood
Ambassador Robert Wood

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood.

Robert Wood ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xiisadaha gobolka aysan dib u dhigin dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hindisaha muhiimka ah ee dowlad-dhisidda ama ololaha.

“Waxa kale oo aad muhiim u ah in xiisadaha gobolku aanay faragelin qorshaynta iyo hawlgelinta hawlgalka ka dambeeya ATMIS. Ma qaadan karno halista abuurista daldaloolo amni oo khatar ah, ama kharashyada dheeraadka ah ee la xiriira isbeddel guud oo lagu sameeyo dalalka ciidamada ku tabaruca.” ayuu yidhi Wood.

Digniinta Maraykanka, ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya ay sheegeen inuu dhammaystir ku dhaw yahay heshiiska isfaham, isla markaana dhaqso u noqon doono heshiis rasmi ah oo dhaqangalkiisa ay qalinka ku duugi doonaan Madaxda labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist, ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu noqon doono Xeebta u dhaxaysa Lughaya illaa Bullaxaar, halkaas oo Itoobiya ay ka dhisi doonto Saldhig Ciidammada Badda ah.

Dalal badan oo caalamka ah, ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkeyga, kaas oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xadgudubta Xeebaha Soomaaliya.