Raysal-wasaaraha Britain oo Boqol Milyan oo Doollar ugu Deeqay Soomaaliya

London (aftahannews):- Raysal-wasaaraha Britain Rishi Sunak, ayaa Boqol Milyan oo Doollar ugu deejay Soomaaliya, taas oo loogu talo-galay in wax lagaga qabto horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaalada London sida ay sheegtay Villa Somalia.

War-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.”

“Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, uuna carrabka ku dhaftay in ay $100 milyan ay arrinkaas u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.