Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka Wadahadlay Xoojinta la-dagaallanka Al-Shabaab

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee A.I. Shane Dixon iyo Colonel David J. Haskell, oo ah Taliyaha Howlgalka Gaarka ah ee Wadajirka ah ee Soomaaliya.

Inta uu socday kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadleen iskaashiga muhiimka ah ee dhanka amniga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dadaalada lagu ciribtirayo argagixisada Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Villa Somalia, labada mas’uul ee Mareykanka waxay ku ammaaneen Madaxweyne Maxamuud iyo Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya guulihii ay ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamadu sameeyeen, kuwaas oo horseeday in Alshabaab laga saaro goobo badan oo istiraatiiji ah sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay taageero farsamo iyo mid militari oo ka timaada saaxiibada caalamka si loo dhameystiro howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay mudan yihiin in la kordhiyo kaalmada milateri, iyadoo la og yahay in Alshabaab ay caalamka khatar ku yihiin, taasi oo lagu ciribtiri karo oo kaliya in la iska kaashado gobolka iyo caalamka.