Taakeeye Walaalkii oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

Mudug (aftahannews):- Nin ay walaalo yihiin Sufyaan Taakeeye, ayaa Arbacadii shalay lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Shabeeloow ee gobolka Mudug, kaas oo u dhaxeeyay Ciidammo ka yimid Shacabka deegaanka iyo Malleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka oo dhawr jeer dhexmaray labada dhinac ayay dawladda Soomaaliya sheegtay in ‘Ciidammadu cagta mariyeen fadhiisammo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Balse, halkaas waxaa ku dhintay tiro Ciidammada deegaanka ah, waxaana ka mid ahaa nin ay walaalo yihiin Sufyaan Sheekh Axmed oo dhawaan ay gacanta ku dhigtay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ka dib markii uu si cad u taageeray kooxda Al-shabaab marar badan, gaalona ku tilmaamay dowladda Soomaaliya iyo cidda taageerta.

Waa kuma Ninkaan?

Daahir Sheekh Axmed wuxuu sideetameeyadii ku dhashay baadiyaha magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, isaga oo ku soo barbaaray isla baadiyahaas.

Muu helin waxbarasho marka laga yimaaddo Quraanka oo uu bartay markii uu yaraa iyo Kutubta Diiniga ah, gaar fiqiga oo ka bartamay Masaajidda deegaanka Gidheys oo ku yaalla aaggaas.

Ma lahayn wax khibrad dagaal ah, sida ay noo sheegeen qaraabadiisu, sidoo kale dagaallo hore qayb ugama noqon.

Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh u wareegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, ayaa Qabiillada dega gobolka laga aruuriyay tiro Ciidamo ah, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Daahir wuxuu ka mid ahaa Ciidammadaas.

Sida uu BBC u sheegay walaalkiis, wuxuu aad u necbaa fikirka Al-Shabaab oo uu arkayay mid qaldan oo ay ku gumaadayaan dadka Shacabka ah.

Markii uu cabbaar socday dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeeloow, ayaa Ciidamadii dadka shacabka ah ka yimid u baahdeen gurmad, Daahir iyo koox kale oo Ciidamo ah, ayaa gurmad ahaan u gaarldhay furinta, isaga ayaana halkaas ku dhintay.

Daahir wuxuu ahaa Aabbe leh xaas iyo carruur, sidoo kale wuxuu xanaaneynayay Hooyadiis oo da’ ah, korna u dhaaftay sagaashan sano.

Dhanka kale, walaalkiis Sufyaan ayaa toddobaadkaan dawladda Soomaaliya waxay shaacisay inay gacanta ku dhigeen, iyaga oo ku tilmaamey taageere fikradaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Sufyaan ayaa sida ay sheegeen sirdoonka Soomaaliya wajihi doona su’aalo waydiin la xiriirta taageerada uu u muujiyay fikradaha al Shabaab.

Waxay u muuqataa inay qaadeen labo waddo oo kala duwan, balse waxaa la is waydiinayaa maxaa sababay in laba walaalo ah ay sidaas u kala duwanaadaan.

Sida uu BBC u sheegay walaalkiis, wuxuu aad u necbaa fikirka al Shabaab oo uu arkayay mid qaldan oo ay ku gumaadayaan dadka Shacabka ah.

Markii uu cabaar socday dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeeloow ayaa ciidamadii dad shacabka ah ka yimid u baahdeen gurmad, Daahir iyo koox kale oo ciidamo ah ayaa gurmad ahaan u gaaray furinta, isaga ayaana halkaas ku dhintay.

Daahir wuxuu ahaa aabe leh xaas iyo caruur, sidoo kale wuxuu xanaaneynayay hooyadiis oo da’ ah, korna u dhaaftay sagaashan sano.

Dhanka kale walaalkiis Sufyaan ayaa todobaadkaan dawladda Soomaaliya waxay shaacisay inay gacanta ku dhigeen, iyaga oo ku tilmaamey taageere fikradaha xagjirka ah ee al Shabaab.

Sufyaan ayaa sida ay sheegeen sirdoonka Soomaaliya wajihi doona su’aalo waydiin la xiriirta taageerada uu u muujiyay fikradaha al Shabaab.

Waxay u muuqataa inay qaadeen labo waddo oo kala duwan, balse waxaa la is waydiinayaa maxaa sababay in laba walaalo ah ay sidaas u kala duwanaadaan.

Maxay qoyskiisu ka yiraahdeen Sufyaan?

Sida ay BBC u sheegeen qoyska Sufyaan, wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo wax ku bartay gudaha Soomaaliya, firfircoon, kuna fiicnaa kubadda cagta.

“Marka uu kubadda ciyaarayo ayuu dadka garab ku dhufan jiray” ayuu yiri ina adeerkiis oo ka hadlayay sida ay ugu baxday naaneysta Taakeeye.

Kadib ayay sheegeen inuu aaday qurbaha, halkaas oo uu waxbarasho ka galay, jaamacadda heerka koobaad iyo kan labaad uu k aqaatay.

Waxay sheegeen qoysku inuusan waligiis ku biirin kooxaha xagjirka ah, balse uu si kafiirsasho la’aan ah uu u bilaabay taageeridda fikrado xagjir ah.

“Guri uu isagu leeyahay ayuu soo xirtay, wuxuuna yiri ‘Calanka Soomaaliya ayaan badalayaa, anoo shaqsi ah oo kaligey ah ah’ . iyadoo wixii lala yaaban yahay ayaa wuxuu ku xijiyay inuu yiraahdo ‘waxaan badalayaa dastuurka Soomaaliya’, hadana wuxuu ku sii xijiyay inuu dadkii dacniyo oo dawladdii Soomaaliya iyo masuuliyiintii uu qof kasta wax ka sheego”, ayuu BBC u sheegay Cabdi Xuseyn oo ay walaalo yihiin.

Dawladda Soomaaliya oo shaacisay inay baaritaano ku sameyn doonto Sufyaan, ayaa dhawr maalin ka hor baahisay inay gacanta ku dhigeen.

Sufyaan ayaa dad badan barteen bartamihii sanadkii 2020 kii, xilligaas oo la soo muuqday afar haween ah oo uu sheegay inay xasaskiisa yihiin.

xilligaas kadib ayuu bilaabay inuu wareysiyo siiyo warbaahinta maxalliga ah kuwaas oo uga hadlayo afkaaro siyaasadeed.

mar dambe ayuu sheegay inuu aasaasay xisbi siyaasi ah, kaas oo doonaya inuu Soomaaliya ku xukumo shareecada Islaamka, sioo kalana doonaya inuu badalo calanka oo uu ku tilmaamay ‘astaan sheydaan’ iyo sidoo kale dastuurka.

Dhawaan ayuu sidoo kale baahiyay muuqaallo uu ku sheegayo dawladda Soomaaliya mid ‘gaalo ah’, dadka taageersanna ay yihiin ‘gaalo’.

Hadalka Sufyaan ayaa ku soo aaday xilli ay socdaan dagaallo ka dhan ah ururka al Shabaab, oo ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xigasho BBCSomali.