Somaliland: Qiimaynta Hantidii Ku Gubatay Suuqa Wajaale oo la Shaaciyey

Wajaale (aftahannews):- Xukuumada Somaliland, ayaa shaacisay in Hanti u gaadhaysa $5,300,000 (Shan Milyan iyo saddex boqol oo kun oo Doollar) ay ku gubatay Suuqa degmada Wajaale ee dhawaan qaybo ka mid ahi gubteen.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda gobolka Gabilay oo maanta gaadhay Suuqa gubtay ee Wajaale, ayaa ku dhawaaqay khasaaraha ka dhashay Dabkaas, iyadoo halkaas sidoo kale lagaga dhawaaqay lacago dib loogu maalgalinayo dadkii ku hanti waayay dabkaas.

Ururka Dowladaha Hoose ee Somaliland, ayaa lacag dhan $600,000 ku wareejiyay guddid ay xukuumada Somaliland u xilsaartay kasoo kabashada khasaaraha uu dabku gaystay.

Dhinaca ganacsatada Shirkadda Dahabshiil, ayaa ku dhawaaqday in ay gurmadka kaga qaybqaadanayso $300,000, halka shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ay iyaduna ballanqaadday in ay bixinayso $150,000, waxaana la rejaynayaa in ay shirkado iyo ganacsato kalena ka qaybqaataab dib u soo celinta Suuqaas.

Suuqan ayaa ahaa ka labaad ee Somaliland ugu wayn marka laga yimaado suuqii Waaheen ee gubtay kaasi oo hada ku jira xaalad dib u dhis ah, isla markaana gubashada suuqyadan ayaa samayn ku yeelatay dhaqaalaha Somaliland.