Gordon Brown oo Ku Baaqay in Dalalka Qaniga ahi Wax ka Qabtaan Isbeddelka Cimilada Dalalka Soo Koraya

London (aftahannews):- Raysal-wasaarihii hore ee Ingiriiska Gordon Brown, ayaa sheegay in looga baahan yahay wadamada qaniga ah in ay bixiyaan cashuurta cimilada si dalalka soo koraya ay wax uga qabtaan isbaddelka cimilada.

Gordan Brown, waxa uu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Norway ay sannadkii hore ka faa’iideysteen fursad naadir ah, ka dib markii qiimaha saliiddu uu sare u kacay.

Brown, ayaa ku doodaya in canshuur dhan 25 Bilyan oo Doollar ay sare u qaadi doonto rejada laga qabo heshiis ku saabsan sanduuqa cimilada ee waddamada faqiirka ah. Waxaanu hadalkiisu ku soo beegmay ka hor shirka COP28 ee ka dhacaya Dubai bisha Nofembar ee 2023-ka.

Gordon Brown waxa uu sheegay in qorshihiisu uu ka hor-tagi doono ismari waaga suurtagalka ah ee ku iman kara Shirka COP28 ee Imaaraadka Carabta. Waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Shirkii Cimilada ee toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa geestiisa ka digay in hoggaamiyeyaasha Adduunku ay ka cago-jiidaan dedaallada lagu xakameynayo qiiqa kaarboonka.

Waxa uu ku baaqay in waddamada gacanta ka geysta kulaylka caalamiga ah ay gaadhaan heshiis mideysan, si loo dhimo qiiqa hawada lagu sii daayo, loona caawiyo wadamada dhaqaalahoodu soo korayo.