Somaliland oo Ka Hadashay Ka Bixitaanka Ciidanka ee Gooja-cadde iyo Maraaga

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaallo maanta ka dhacay gobolka Sool, oo maamulka la baxay SSC-Khaatumo uu sheegay inay ku qabsadeen Taliska Ciidammada Millateriga Somaliland ee Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland galabta, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Somaliland ay ka soo baxeen fadhiisimadii ay ku sugnaayeen ee Bariga gobolka Sool xeelad ciidan awgeed.

War-saxaafadeedka Somaliland, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidammo ka tirsan kuwa Somaliland ay ka lumeen waddooyinkii loogu talagalay inay soo maraan oo weli aanay soo gaadhin goobihii loogu talogalay.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa lagu soo sheegay in Ciidammada Somaliland ay hadda ku jiraan dib isu habeyn iyo diyaargarow ay kaga hortagayaan cadowga, sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.

Dagaalka u dhexeeya Ciidammada Millateriga Somaliland iyo Malleeshiyaadka Deegaanka Sool oo kaashanaya Ciidammada Maamulka Puntland iyo Ciidammo Beeleedyo deegaanno kala duwan uga soo gurmaday, ayaa magaalada Laascaanood ka bilaabmay 6-da bishii Febraayo 2023-ka.

Dagaalka, ayaa muddada dhawrka bilood ah ee uu socday aan inta badan laga guulaysan Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay adkaatay in laga saaro fadhiisimadooda Maraaga iyo Gooja-cadde oo maanta ay Huwanta Khaatumo sheegeen inay la wareegeen, balse Somaliland sheegtay in Ciidanku uga baxay xeelad dagaal.