Kenya oo Xidhay Xildhibaan Baarlamaanka Jubbaland ka Tirsan

Mandheera (aftahannews) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubaland, ayaa habeenkii labaad ku hoyday saldhiga degmada Mandheera ee dalka Kenya, ka dib markii Isniintii lagu Xidhay Koontaroolka Basaska ee magaaladaas.

Sida ku cad warqad dacwad ah oo uu helay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa caasimadda Kenya ee Nairobi, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan, ayaa la qabtay isagoo heysta kaadhka aqoonsiga Kenya oo la sheegay inuu si been-abuur ah ku qaatay.

Madaxa waaxda dambi baadhista ee dalka Kenya Gitari Muchira, ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled Xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo Xildhibaanka, haddana maalinta Berri ee Khamiista ah Maxkamad la hor-geyn  doono.

“Waxaan ka helnay warqad ka timid Guddoomiyaha Beled Xaawo oo uu ku codsanayo in la sii daayo Xildhibaanka oo uu sheegay inuu ka tirsan yahay Baarlamaanka Jubaland sababo la xidhiidha xasaanaddiisa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxa dambi baadhista Kenya.

Xildhibaan Gurxan oo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah in uu been-abuur ka sheegay qaadashada kaadhka aqoonsiga Qaranka Kenya, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu Kenya ka soo galay meel qaldan oo aan laga soo gelin.