Musharrax Cirro: “Anigu Dagaal Sokeeye Weligay Qayb kama noqon immikana Diyaar uma ihi..”

Boorama (aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo Xukuumaddu ku eedaysay inuu ka dambeeyo Jabhadda Gacan-libaax, ayaa sheegay inaanu weligii dagaal sokeeye ka qaybqaadan, immikana aanu diyaar u ahayn, isla markaana aanu doonayn inuu qori ku fuulo Kursiga.

Cabdiraxmaan Cirro oo magaalada Boorama oo uu maanta tegay Saxaafadda kula hadlay, ayaa sheegey inuu ka xun yahay dagaalka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay,  waxaanu Jabhadda ugu baaqay inay Hubka dhigto, halka dowladda uu ugu baaqay inay Ciidammada ka qaaddo deegaanka Gacan-libaax.

Musharrax Cirro oo arrimahaas ka hadlaya, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-