Nin Muslim ah oo Gaalada Ka yaabiyey Markii loo Fasaxay inuu Gubo Kitaabka Towraad iyo Baybalka

Stockholm (aftahannews):- Ahmad Alloush, ayaa sheegay in ujeeddadiisu ay ahayd in uu canbaareeyo kuwa kutubta xurmada leh sida Qur’aanka kariimka ah ku guba wadamada Waqooyiga Yurub.

Stockholm, Sweden Nin la filayey inuu ku gubo Tawreed iyo Baybalka bannaanka safaaradda Israa’iil ayaa ka tanaasulay qorshahaas, wuxuuna qabtay mudaaharaad ka dhan ah kutubta barakaysan.

Ahmad Alloush, oo 32 jir ah, ayaa sheegay inaanu waligiis ku talo jirin inuu gubo kitaabada.

Kadib waxa uu la soo baxay kitaab qur’aan ah oo uu ku naqdiyay dhacdooyin hore oo lagu gubay kitaabka islaamka gudaha Sweden.

“Haddii aad rabto inaad dhaleecayso Islaamka, taasi waa caadi”, ayuu yiri. Laakin gubida Qur’aanka “ma ahan xoriyatul qawlka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maxkamadaha Sweden ayaa horey u fasaxay in la gubo maadaama ay dastuuriyan ilaalinayaan xuquuqda isu imaatinka, hadalka iyo banaanbaxyada.

“Tani waxay jawaab u tahay kuwa gubay Qur’aanka xorriyadda hadalka ayaa xaddidan,” ayuu yiri Alloush.

“Dadka waan ka caraysiiyey,” ayuu qirtay mar la waydiiyay falcelinta wararka sheegaya in qof uu qorsheynayay in uu ku gubo Tawreed iyo Baybalka Stockholm. “Hadda way faraxsanaan karaan”, ayuu yiri.

Alloush ayaa sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Suuriya, balse uu Sweden ku noolaa muddo 8 sano ah, uuna deggan yahay degmada Borås ee koonfur-galbeed.

Xigasho BBCSOMALI.COM.