Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Somaliland uga Mahad-naqay Gurmadka Dabka Jigjiga

Jigjiga (aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar), ayaa Dowladda Somaliland uga mahad-naqay taageerada walaalnimo ee ay u muujiyeen walaalahooda Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan Dabka xalay ka kacay Suuq ganacsiga magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe, ayaa kulan mahadnaq ah la yeeshay Masuuliyiinta ka socday dowladda Somaliland ee xalay ka gurmaday Hargeysa.

Dhawr iyo Toban gaadhi oo Dam-demis ah oo ay hoggaaminayeen Maayerka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidanka Dam-demiska Somaliland, ayaa xalay ka baxay Hargeysa, si ay uga qaybqaataan daminta Dabka xalay ka kacay mid ka mid ah Suuqyada ganacsiga ee magaalada Jigjiga.

1-dii April ee 2022-kii, ayey ahayd markii uu gubtay Suuqii ugu weynaa ganacsiga Somaliland ee Waaheen ee magaalada Hargeysa, Dabkaas oo dhibaato badan oo dhaqaale dhaliyey, xakakayntiisuna waqti badan qaadatay, ayey Dowlad-deegaanka Soomaalidu u soo dirtay Ciidanka Dam-demiska iyo Gaadiidkooda, kuwaas oo door muuqda ka qaatay in la bakhtiiyo Dabka halakeeyey Suuqa Waaheen ee Hargeysa.