Tiradii ugu badneyd oo la filayo inay sanadkan Xajaan

Gudashada Xajka
Gudashada Xajka

Riyadh (Aftahannews)- Waaxda baasaboorrada ee Sacuudiga, ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii ay dalkaas gaadheen ilaa 1,655,188 qof oo doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka.

Dadkan, ayaa isugu jira kuwo safra dhulka ah ku galay dalkaas iyo kuwo diyaarad ku tagay.

Waaxda, ayaa sheegtay in aad la isugu diyaariyay hab maamulka Xajka.

Ilaa labo milyan oo qof, ayaa sanadkan loogu talogalay inay gutaan waajibaadka Xajka.

Dowladda Sacuudiga, ayaa tirada dadka gudanaya Xajka u qoondeysa dalalka.

Dalka Inodnesia, ayaa hela tirada ugu badan, waxaa ku xiga Pakistan, Hindiya, Bangladesh iyo Nigeria.