TOOS: Xuska 63-guurada markii ay Somaliland Xornimada ka Qaadatay Ingiriiska

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa ay maalinta berito oo Isniin ah ay ku beegan tahay sanad-guuradii 63aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June 1960 oo haatan laga Joogo Mudo ku siman 63 Sannadood.

Maalintan oo ahayd dharaartii u horaysay ee Calan ay qaataan dadyawgii Soomaaliyeed ee shanta ahaa waxay Somaliland mulki u heshay inay Jiritaankeeda aqoonsaday 36 dal oo ka mid ah Caalamka ka hor intii aanay afar cisho kadib midow aan shuruud lahayn oo lagu hungoobay la gashay Soomaaliyada Konfureed oo iyagu ka hoos baxay gacantii gumaystihii Talyaaniga 1-dii July ee isla sannadkaas.

Hadaba, waxaa hada xarunta qasriga Madaxtooyadda Somaliland ka socota munaasibad loogu dabaal-degayo xuska 63-guurrada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadeedda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June ee sanadkii 1960-kii.

Munaasibadan ka socota xarunta madaxtooyadda, waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Shir-gudoonka labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada, ka mida golaha wasiirrada, masuuliyiinta mucaaradka, siyaasiyiin, safiiro iyo diblomaasiyiin kala duwan oo ka socota dalalka adduunka, wadamada jaarka, aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Munaasibadda, waxaa aad looga hadlay sooyaalka taariikhda Somaliland, qiimaha maalinta 26-ka June, qiimaha taariikhda ay huwantahay iyo sida loogu baahan yahay in la weyneeyo xuskeeda.

Halkan hoose si toos ah uga daawo