Somaliland oo War kasoo saartay Dagaalka Laascaanood, Baaqna u dirtay Beesha Caalamka

Hargeysa (Aftahannews)- Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay si adag u cambaaraysay weerarrada badheedhka ah ee ay Kooxaha Huwanta Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Argagixisada iyo Kooxaha nabad-diidka ahi ku soo qaadeen ciidamada Qaranka Somaliland.

Somaliland, ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday inay cambaarayso gardarada lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay taageerto qaddiyaddayada nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaa kale oo ay Beesha Caalamka ugu baaqday in ay ka jawaabto oo ay cambaarayso weerarada ay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo Kooxaha argagixisada ah ee raacsani ku hayaan dhulkeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa lagu sheegay in maamul goboleedka Puntland ay qalalaasihii Laascaanood si kale uga faa’iidaysanayo si ay waji kale ugu yeesho, isla markaana kooxo argagixiso ah iyo kuwo nabad diid ah loo isticmaalayo waxyeelaynta nabada Somaliland.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka, ayay Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ku sheegtay inay si kal iyo laab ah ugu mahad naqayso ciidanka qaranka geesiyaasha ah ee sida geesinimada leh u difaacay mawqifyadayada cadawga iyo naf-hurnimadooda hagar la’aanta ah ee ay u galeen difaacidda madax-banaanida dhuleed ee Somaliland, islamarkaana ay mudan yihiin ixtiraamka iyo sharafta ugu sarreeya.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa u dhignaa sidatan:-

“Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarrada badheedhka ah ee ay ciidamada huwanta ah ee Maamul-goboleedka Puntland, argagixisada iyo kooxaha nabad-diidka ah ku soo qaadeen magaalada Laascaanood ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay gobolka Sool.

Gardaradan aan cudur daarka lahayni kuma koobna oo kaliya in ay wax u dhimayso nabadgelyada iyo wadajirka dhuleed ee Somaliland balse waxa ay sidoo kale wiiqaysaa dadaallada gobolka ee lagu dhisayo nabad iyo xasillooni waarta. Horaantii, ciidamada qaranka ee geesiyaasha ah, ee ku sugan gobolka Sool, isaga oo ujeeddadiisu tahay soo celinta nabadda iyo sidoo kale ilaalinta deegaannada Somaliland, waxa uu la kulmeen weeraro kaga imanayay ciidamada isbahaysiga ee Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, argagixisada, iyo kooxaha nabad-diidka ah.

Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa shaki la’aan ka faa’ideysanaya qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood si uu uga weeciyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira gudaha. Isla markaana argagixisada iyo kooxaha nabad-diidka loo adeegsado carqaladaynta nabadda Somaliland ee sida adag loo hantay.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo ay ka go’an tahay ilaalinta dalkeeda iyo dadkeeda, ayaa looga baahan yahay inay ka jawaabto weerarradaas, iyadoo hadafkeedu yahay ilaalinta nolosha ciidammada geesiyaasha ah iyo weliba ilaalinta sharafta xuduudaha. Badbaadada iyo amniga muwaadiniinteena ayaa ah mudnaantayada ugu sareysa. Sidaa darteed, waxaan qaadi doonaa dhammaan taxaddarrada lagama maarmaanka ah si aan u sugno ammaankooda. Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka in ay si degdeg ah wax uga qabtaan maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kuwa raacsan ee ku dhaqma falalka cadowtinimada ah. Waxa muhiim ah in Beesha Caalamku ay cambaarayso gardarrada lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay taageerto qaddiyaddayada nabadda iyo xasilloonida gobolka. Waxaan beesha Caalamka ka raadineynaa wadajirka iyo iskaashiga ku aaddan xallinta arrintan si degdeg ah oo nabad ah, hubinta badbaadada iyo amniga qarankeena.

Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland waxay si kal iyo laab ah ugu mahad naqaysaa ciidanka qaranka geesiyaasha ah ee sida geesinimada leh u difaacay mawqifyadayada cadawga. Hungurigooda iyo naf-hurnimadooda hagar la’aanta ah ee ay u galeen difaacidda madax-banaanida dhuleed ee Somaliland waxay mudan yihiin aqoonsiga iyo ixtiraamka ugu sarreeya.

Somaliland waxa ay ku adkaysanaysaa in ay dadkeeda nabad iyo barwaaqo u raadinayso mustaqbalka fog, falalkan fulaynimada ah ee gardarada ahina nagama celin doono.”