Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaal ka dhacay Magaalada Laascaanood

Magaalada Laascaanood

Laascaanood (Aftahannews)- Illaa 4 ruux, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, sida laga soo xigtay qaar ka mid isbitaallada magaalada.

Dagaallo goo goos ah, ayaa ka dhacay goobaha bariga iyo waqoooyiga kaga beegan magaalada, kaas oo bilaabmay saaka waaberigii.

“Albaabka guriga ayuu ka baxay wax yar ka dib gariir ayaa dhacay banaanka ayaan u soo baxay waxaana arkay meydka walaalkay oo waddada yaalla,” sidaa waxaa BBC-da u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Laascaanood.

Goobaha saaka dhibaatada soo gaadhay, ayaa waxaa ka mid ah dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaadhsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.

Dagaalkan oo haatan istaagey, ayaa sababay inay gebi ahaanba xidhmaan suuqyadii magaalada.

Kooxda SSC, ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen, sida ay sheegeen.

Dowladda Somaliland, ayaa iyaduna weli wax war ah ka soo saarin dagaalka iyo eedaynta.