Imaaraadka oo Walaac ka muujiyay korodhka Weerarrada Kooxda Al-Shabaab

Dubia (Aftahannews)- Sheekh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in falalka argagixisanimo, gaar ahaan weerarada Al-Shabaab, ay yihiin khataraha ugu weyn ee Soomaaliya ku wajahan gaadhista hammigeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale.

“Saddexdii bilood ee ugu horreeyay 2023, tirada dhacdooyinka la xidhiidha argagixisanimada waxay dhaafeen dhammaan celcelis ahaan saddexdii biloodba mar la diiwaan geliyay tan iyo 2016,” ayuu yidhi Sheekh Shakhboot Bin Nahyan.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku uu aad uga walaacsan yahay korodhka weerarrada ay Al-Shabaab ku beegsanayaan dadka rayidka ah iyo kuwa amniga ka shaqeeya, oo ay ku jiraan ATMIS iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shakhboot Bin Nahyan Al Nahyan, ayaa beesha caalamka ka codsaday in la taageero sare u qaadida jawaabaha bini’aadantinimada iyo isbedelka cimilada ee Soomaaliya.

Bin Nahyan oo ka hadlayay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in la caawiyo Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda malaayiinta Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo barakaca.

Wuxuu sheegay Imaaraadka Carabta inay ka go’an tahay taageeridda hiigsiga qaran ee Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta dib u heshiisiinta, dib u cusboonaysiinta nidaamka doorashada, iyo sare u qaadida wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo loo marayo Golaha Wadatashiga Qaran.