Qaybinta Kaadhka Codaynta Doorashooyinka Somaliland oo la soo Gaba-gabeeyay

Hargeysa (Aftahannews)- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa soo gabagabeeyey guud ahaan kaadh-qaybintii ka socototay gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Sool.

Mas’uuliyiinta sare ee Komiishanka Doorashooyinka ee Saddexdaas gobol ku sugan, ayaa caddeeyay inay soo xeroodeen Sanaaduuqdii, shaqaalihii, gaadiidkii iyo Ciidamadii ka shaqaynayey goobaha kaadhqaybinta ee gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sool.

Waxay guddida doorashooyinku u mahadnaqeen guud ahaan Shacabka Somaliland ee sida xilkasnimada leh u qaatay Kaadhadhkoodii codbixinta.

Hawlgalka kaadh qaybinta ayaa hore looga soo fuliyey gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Tallaabada tan xigta ee Komiishanka doorashooyinku qaadi doonaan ayaa ah soo saarida liiska dadka kaadhadhka codbixinta haysta, iyaga oo isku dari doona dadkii hore isu diiwaan geliyey iyo kuwa cusub, ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan liiska rasmiga ah ee dadka xaq u leh in ay codeeyaan doorashooyinka soo socda ee Somaliland ka qabsoomi doona.