Haweenay Dishay Carruur Ninkeedu Dhalay oo Booliska Banaadir Soo Bandhigay

Muqdisho (aftahannews):- Ciidanka Booliiska Saldhigga degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku soo dhigay Haweeney ku eedeysan inay dil u geysatay Wiil yar oo ay eeddo u aheyd oo uu dhalay Ninkeedu.

Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo Haweeyneydan u soo bandhigay Warbaahinta maanta, ayaa sheegay inay si xun u garaacday wiilka yar, isla markaana ay jidhkiisa ka muuqdeen garaacis xoogan oo sababay inuu u geeriyoodo.

“13/5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhigga Dharkeynley,   ayaa gacanta ku doo dhigay Haweeney ku eedeysan in ay si arxan-darro ah u dishay wiil ay eeddo u aheyd, halka gabadhii wiilka la dhalatay Booliisku ka badbaadiyay, gabadhana ay dhaawacyo badani ku yallaan, waxaanay u aheyd eeddo Aabbohood qabo.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

Warka qoraalka ah oo sii socday, ayaa intaas ku daray oo lagu yidhi; “Eedeysanaha ayaa Boliisku gacanta ku hayaa waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo.”

Taliska Booliiska gobolka Banaadir, ayaa sidoo kale sheegay iney wadaan baaritaano la xariira dilka haweeneyda, islamarkaana cadaalada la horgeyn doono haweeneyda dishay wiilkii ay eedada u aheyd.

Aabbaha dhalay wiilka dhintay iyo Gabadha laga soo badbaadiyay Haweeneydan, ayaa la sheegay inuu ku nool yahay dalka Dibeddiisa, isla markaana Haweeneydan Xaaskiisa aheyd uu ku biili jiray Carruurtiisa oo ay haysay.