Jabuuti oo Ciidankeeda kala baxday Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa qaar kamid ah ciidamadeeda kala baxday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Hiiraan, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Ciidamadan, ayaa laga saaray xero ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu.

Wararka, ayaa intaasi ku sii daraya in sababta loo saaray ciidamadan ay tahay in ay dhameysteen wakhtigoodii, isla-markaana lagu soo beddalayo kuwa kale oo cusub.

Col. Xasan Jaamac Faarax oo ah Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS, ayaa ciidamada la beddalay boggaadiyay, wuxuuna sheegay in shaqo wanaagsan oo horumarineed ay ka qabteen aagga gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka shaqeeyeen xasiloonida halkaasi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay wada shaqeyn wanaagsan la lahaayeen saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo maamulka ka jira halkaasi, taasina ay ku amaanan yihiin.

Col. Xasan Jaamac Faarax, ayaa sidoo kale farriin u diray askarta kale lagu soo bedalaya, isla-markaana ka imanaya Jabuuti, isaga oo ka codsaday inay ku deydaan ciidamada haatan ka baxay gudaha Soomaaliya, ayna la yimaadaan fir-fircooni iyo shaqo wanaag.

“Waxaan ku boorineynaa guutada imaneysa inay si adag u shaqeeyaan oo ay gaadhaan xitaa wax ka badan wixii hore loo qabtay,” ayuu yidhi Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS.

Jabuuti, ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan dowladda federaalka kula shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxayna ka wada-hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo amniga guud ee gobolka.

Si kastaba, ciidamada ATMIS, ayaa qorshuhu yahay in dhammaadka bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka inay isaga baxaan Soomaaliya, markaas oo ay amniga guud ay la wareegi doonaan ciidamada Soomaaliya oo haatan ku jira diyaar-garow.