Agaasimaha Baanka: “Kulankani wuxuu ku saabsanyahay hirgalinta-nidaamka khasnada-midaysan ee dowlada”

Hargeysa (Aftahannews)- Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee Somaliland Mudaane Mukhtaar Cabdi Quule, ayaa ka warbixiyay ujeedada kulan ku saabsan hirgalinta nidaamka khasnada midaysan ee dowlada.

Agaasimha, ayaa sheegay in ujeedada nidaamkani uu gun-dhig u yahay hagaajinta habka maaliyadeed ee dalka Somaliland.