Xisbiga Waddani oo Go’aan kasoo saaray Muddo-kordhinta Madaxweynaha

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu sheegay in aanay habayaraatee aqbali doonin muddo kordhin aan heshiis lagu ahayn oo loo sameeyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Musharaxa Madaxweynaha ee xisbigaasi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo saraakiil xisbigaasi ka tirsan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay aqbalayn muddo kordhin aan xisbigooda laga talo galin.

Xirsi, ayaa waxaa uu sheegay in ay waafaqsanyihiin jadwalkii shalay guddiga doorashooyinku soo gudbiyeen, isla markaana aan doorashada lagu qaban karin wakhtigeedii hore, lakiin waxa uu soo jeediyay in la is waydiiyo cida sababtay in doorashadu dib u dhacdo, isagoo xukuumada ku eedeeyay.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa Sabtidii shalay ku dhawaaqay in doorashadii madaxweynaha, aanay ku qabsoomi doonin wakhtigii sharciga ahaa, duruufo jira awgeed, iyagoo sheegay in ay doorashada ku diyaarin karaan muddo 9 billood ah oo ka bilaabanta bisha October.

Hase-yeeshee, guddiga, ayaan war-murtiyeedkooda ku xusin doorashada urrurada iyo xiliga la qabanayo, taasi oo ay mucaaradku soo dhaweeyeen, iyagoona sheegay in guddigu ay go’aamisay in ay qabtaan doorashada madaxtooyada oo kali ah.