Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku Hanjabay Tallaabo Dhulka Soomaaliya saamaynaysa

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo gaadhay jiida hore ee dagaalka u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dowlad deegaanka u maleeyaan Soomaaliya oo kale.

“Al-Shabaab waxay ku tarmeen dalka Soomaaliya, marka meel kasta waxay u maleeyaan Soomaaliya oo kale, waxay isku deyayaan inay dadka gumeeyaan oo dalal shisheeye ay dagaalka soo faro-geliyaan, laakiin maanta waa u cadaatay inay ku khasaartay isku deygan,” ayuu yidhi Mustafe Cagjar.

Madaxweyne Cagjar oo TVga maamulkiisa kula hadlay xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dhulka dowlad deegaanka, ayaa wacad ku maray inay abuuri doonaan aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in sababta ku kalifaysa inay aagaas sameeyaan ay tahay inay ka feejignaadaan dhagar dambe oo Al-Shabaab ay u soo maleegaan dowlad deegaanka.

“Dadkeenu uma baahna cadow, wajigii hore ee howlgalka waan soo gabagabaynay, meelo yar ayay ku hadhsan yihiin, maalmaha soo socda qorshaheenu waa inaan abuurno aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan degaankayaga, sababtoo ah ma sugi karno cadow inta uu noo imanayo, inaan halkan ku sugnaana maaha,” ayuu yidhi Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cajgar.