Ra’iisal Wasaare Rooble oo Baabi’iyay Doorashadii Hoggaanka Guddiyada Doorashada ee Somaliland

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in la baabi’iyay doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee uu muranku ka dhashay.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Rooble, ayaa go’aankan ku dhowaaqay isaga oo maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha guddiyada doorashada ee ka soo jeeda Somaliland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu yidhi “Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, islamarkaana uu Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.”

Guddiga doorashada ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland, ayaa u kala jabay laba garab, oo la kala safan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kala doorteen laba hoggaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax-banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Waxa uu intaas ku daray in mas’uuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, islamarkaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyay.

Rooble, ayaa laba maalin kahor xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, oo kala hoggaaminaya labada garab ee isku haya hoggaanka.

Heshiis la’aanta guddigan, ayaa hortaagan inay billaabanto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Somaliland.

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa Khamiistii si rasmi ah uga billaabantay magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu doortay afar ka mid ah xubnaha ka soo galaya Jubaland. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay qabtay doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka Sare.