UEFA Oo Ku Dhawaaqday Magaalooyinka Martigelin Doona Finalka Champions League Afarta Sannadood Ee Soo Socda

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey magaalooyinka lagu qaban doono finalka Champions League ee sannadaha afarta ah ee soo socda, kuwaas oo ay ku jirto magaaladii sannadkan laga wareejiyey ee Istanbul.

UEFA ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay, in garoonka Krestovsky Stadium ee magaalada Saint Petersburg ee waddanka Ruushka lagu qaban doono finalka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda. Waxa kale oo ku xiga magaalo Istanbul ee waddanka Turkey oo sannadka 2023 lagu qaban doono.Labada sannadood ee xiga ayaa waxa loo kala doortay Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska, waxaase sii raaci doonta magaalada Munich ee waddanka Jarmalka.

Garoonka Krestovsky ee Saint Petersburg ayay ahayd in lagu qabto finalkii Champions League ee sannadkii 2020, laakiin Fayraska Korona darteed ayaa laga qaaday, waxaana loo leexiyey Lisbon oo kulamadii ugu dambeeyey oo dhan ay ka dhaceen. UEFA ayaa u dooratay in Saint Petersburg la siiyo fursaddii hore uga luntay.

Istanbul ayaa iyadana finalkii 2021 ay ahayd in lagu qabto, balse waxa looga wareejiyey magaalada Porto oo lagu qabtay sabab la xidhiidha  fayraska, laakiin UEFA ayaa go’aamisay in sannadka 2023 lagu qabto koobka.

Magaalada London ayaa iyaduna ku xigi doonta oo lagu qaban doonaa sannadka 2024, waxaana sii raaci doona Wembley Stadium oo London ah oo sannadka 2024 lagu qaban doono.

Dhinaca kale, finalada Europa League ayaa waxa lagu qaban doonaa Seville, Budapest, Bilbao, Dublin afarta sannadood ee isku xiga.