Cali Badal: “TPLF Waddo Walbo Oo Ay Rabto In Ay Ku Hanato Xukunka, Waan Kala Dagaalameynaa”

Addis-Ababa (Aftahanews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed ayaa waraysi uu BBC-da siiyay ku sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Dowlad Deegaanka Itoobiya uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan.Mar wasiirka wax laga weydiiyay hadallada la isla dhexmaraya ee sheegaya in ciidan ka socda dowlad deegaanka la gayn doono waqooyiga Itoobiya oo ay la dagaalami doonan TPLF ayaa wuxuu kaga jawaabay: “Ciidamada la yiri waxaa la geynaya Woqooyiga Itoobiya anaga masuul ka ah oo go’aaminayno xilliga la qaadayo iyo haddii loo bahdaba in la qaado, balse ma jiraan wax ciidan ah oo hadda la qaaday oo si rasmi ah aan anaga u shaacinnay.”

“Waxaan rabaa in dadka deegaanka aan u sheego in ciidamadaan ay yihiin kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida, waa xoogagii difaacayay deegaanka, waxayna kaalin ku leeyihiin difaacidda qaranka Itoobiya, tusaale ahaan waxay ka qayb qaateen dagaalkii Eriteria iyo Itoobiya. Ciidamada Dowlad Deegaanka waxay sidoo kale ahaayeen kuwii la dagaalamayay Al-shabab ee xuduuda Soomaaliya galay.” Ayuu raaciyay.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inaysan marnaba ogaalaan doonin in xooggaga TPLF ay dalka burburiyaan.

“Haddii ay noqoto isku dayga xooggaga TPLF ay ku doonayaan inay dalka ku burburiyaaan oo ay arkaan dowlad ay qayb ka yihiin oo iyaga danahooda ka talinayso, dabcan anaga xukuumad ahaan iyo shacabka Soomaalidaba taariikh madow ayey TPLF ku leedahay, dhibaatooyin badan ayey noo gaysteen waxaana ka xumahay inay Soomaalida maanta ku kala qayb sanaato arrinta TPLF.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook xalay ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.