HRC oo War ka soo saartay Haweeney Kufsi iyo Dil Loogu Geystay Magaalada Hargeysa

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland
Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Somaliland, ayaa war ka soo saartay Haweenay Kufsi iyo Dil loogu geystay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Haweenaydaas oo lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in falkaas loogu geystay xili ay saarnayd Basaska dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Hargeysa.

Xarunta xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa sheegtay inay ka xuntahay kufsiga iyo dilka loo geystay Hinda Cumar oo kamid ahayd dadka ku nool magaalada Hargeysa, iyada oo walaac xoogan ka muujisay falalka kufsiga ee ku soo badanaya Somaliland.

Xarunta, ayaa sheegtay in Somaliland ay aad ugu yartahay wecyi-gelinta la xidhiidha kufsiga, iyada oo xustay inaanay jirin isla xisaabtan dhab ah oo ku saabsan kiisaska la xidhiidha tacadiyada haweenka.