Mustafe Cagjar: “Kuwii Shalay Kaba-qaadka u ahaa TPLF, ayaa Baraha Bulshada Talooyin Liita la Dhex Wareegaya”

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar

Jigjiga (Aftahannews)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo argagixisada TPLF iyo dowlada federalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dowlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dowlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu ku yidhi qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa sidoo kale sheegay in baraha bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen talooyin liita kuwaas oo uu ku tilmaamay inay kabaha u qaadayaan dadkii hore u xasuuqday shacabka deegaanka Soomaalida.

“Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dowladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan.” Ayuu madaxweynaha raaciyay.