Puntland oo Shaacisay inay Gacanta ku dhigtay Xarumihii Kooxda Daacish

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan
Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan

Boosaaso (Aftahannews) – Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen dhammaan xarumihii kooxda Daacish ay ku lahaayeen gudaha Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan
Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan

Wasiirka amniga maamulka Puntland oo shar jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in ay ciidamada cagta mariyeen saldhigyadii Daacish howgalada ka soo abaabuli jireen islamarkaana ay burbyrisay gaadiidkii ay isticmaali jireen iyo Saadkii u kaydsanaa.

Wasiirka wuxuu sheegay in la dilay qeybo badan oo kamid ah dagaalamayaashii Daacish iyo saraakiishii u qaaabilsanaa howgalinta iyo miinada sameynta oo ay ku jiraan ajaanib iyo Soomaali kale.

Gallan wuxuu sidoo kale sheegay inay ciidamadu ku guulaysteen howlgal kale oo dhacay bishii june oo lagu burburiyay saldhigyo kooxda Al-shabaab ku lahaayeen buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Laba askari oo kamid ah ciidamada maamulka Puntland, ayaa ku geeriyooday guud ahaan howlgaladan, halka toban kalena ay ku dhaawacmeen.