Madaxweyne Farmaajo oo u ambo-baxay Dalka Uganda

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa u ambabaxay magaaladda Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo, ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.

Wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Marwada madaxweynaha Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaal  iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa markii lixaad ku guulaystay in uu noqdo madaxweynaha Uganda, kadib doorashadii bishii January ee sanadkan ka dhacay dalkaas.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.